Wax badan ayaa la sugaayey in waqti loo qabto xiliga la daawan doono filimka xiisaha leh ee Coolie No.1 kaaso ay hogaamiyaal ka yihiin Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan.

Filimkaan markii hore qorshaha waxuu ahaa in la daawado 1 May 2020 waliba tiyaatarada la saaro balse Covid-19 aawgii filimadii oodhan dib ayaa loo dhigay waxaana jireen warar sheegayeen in qaab Online ah loo daawan doono.

Hader wararka soo baxayaan waxay sheegayaan in mashruucan la daawan doono 13 November waana inta Diwali lagu gudajiro waliba qaab Online ah ayaa loo daawan doonaa ayadoo laga daawan doono shabakada Amazon Prime Video.

Filimka waxaa agaasime ka ah David Dhawan oo qeybta hore Original-ka ahba isaga ayaa sameeyay waana dib usameynta filimka Coolie No.1 ee ay ku xarakeeyeen Govinda iyo Karisma Kapoor.

Suaasha waxay tahay kabihii xidigaha hore (Govinda iyo Karisma) ma gashaa karaan kuwa cusub (Varun iyo Sara) waxaan sugeynaa 13 Nov iyo bandhiga jilayaashan inkastoo waqtiga daawashada xitaa rasmi aheen ama Official.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here