Mega Star Salman Khan ciidul fitrigan taageerayaashiisa si weyn ayuu doonaya inuu kaga farxiyo maadama uu udiyaarsanyahay Filimka dagaalka ah Radhe-Your Most Wanted Bhai waana mashruuc uu kujilaayo askari dhar cad oo xasuuq badan u geysan doono Maafiyada India.

Disha Patani ayaa atiriisho ka aha oo horey Bharat ula sameysay Salman halka Prabhudheva uu Director ka yahay waana Filimkii seddexaad uu Salman u sameyo kadib Wanted iyo Dabangg 3 waxaa la helay warae xan ah oo sheegayaan xiliga la daawan doono goos gooska kooban (Teaser) ee Filimka Radhe.

Sida la sheegay Sallu ayaa Prabhudheva ku qanciyay in goos gooska kooban lasoo bandhigo xiliga feestada Holi loo dabaal dagaayo waxayna ku beegantahau 9 Maarso ilaa 10 Maarso ee bisha dambe haderna diyaarinta goos gooskan ayaa lagu guda jira Salman ayaana fikiray inuh feestadaas dadka kaga faaideysto mashruuciisan goos gooska koobana hadal heyn weyn abuuro.

Dhanka kale shirkada Yash Raj Filims ayaa iibsan doonto xuquuqda cajaladaha Filimka Radhe dal iyo dibad ba iyada ayaana cajaladaha qeybin doonto sida la sheegay waxaana sugnaaba waa 22 May oo Radhe tiyaatarada la saari doono iyo wacdaraha Sallu la imaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here