Filimka Laal Singh Chaddha oo ay wadaan Aamir Khan iyo Kareena Kapoor Khan ayaa horey dhowr jeer dib loogudhigay shaqadiisa maadama filimka aan wali ladhameestirin duubistiisana la joojiyay bishii Maarso.

jilaaga ayaa dhowaan bilaabay jadwalkiisa Turkiga. Haatan, wuxuu jadwalka xiga ka bilaabi doonaa magaalada Mumbai 7-da bisha Sebtember isaga iyo Kareena. Laal Singh Chaddha oo ay hogaamiye kayihiin Aamir Khan iyo Kareena Kapoor Khan ayaa dib ubilaabmi doona duubistiisa dhanka Mombai.

Kooxda filmka waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan laba qaybood, Filimka Magaalada Goregaon iyo Vrundavan Studios ee Malad. Guri ayaa laga dhisay istuudiyaha Goreogeon halkaasoo Kareena ay kula biiri doonto Aamir. Aamir Khan wuxuu u guurayaa qeybta kale ee ay ka dhiseen isbitaal militari. Kani waa qeyb muhiim ah oo filimka kusoo baxayo . U hogaansanaanta tilmaamaha badbaadada, kooxdu waxay hubin doontaa inay ilaaliso taxaddarrada nabadgelyada ee filimka.

Toddobaad kasta, jilayaasha iyo shaqaaluhu waxay mari doonaan tijaabooyinka ‘COVID-19’ marka laga reebo kormeerkooda maalinlaha ah. Maadaama Kareena ay uur leedahay, Aamir wuxuu ku booriyay Advait Chandan in kaliya xubnaha muhiimka ah ee shaqaalaha ay goobjoog ka ahaadaan goobta. kooxda filmka ayaa go aansadayn inay dib u dhigaan Laal Singh Chaddha ilaa Kirismaska ​​2021 daawashadiisa. balse duubista ayaa bilaaban doonta 7 bishaan

Filimkan ayaa duubistiisa joogsatay bisha 3aad 2020 sanadkii hore waxaa loo qorsheeyay in la sii daayo Kirismiska ​​2020. Aktarka ayaa horay ugu duubay Delhi, Rajasthan, Chandigarh, Amritsar, iyo Kolkata.

Bishii julay sanadjaan kuwa sameenaya filmka ayaa go’aansaday inay joojiyaan jadwalka Ladakh ka dib isku dhacyadii Hindiya iyo Shiinaha ee ka dhacay dooxada Galwan. Laal Singh Chaddha waa dib u sameynta rasmiga ah ee filmka Hollywood-ka Forrest Gump ee uu jilay Tom Hanks.

Filimkan waxaa habeeyay Vijay Sethupathi. Waxaa qoray Atul Kulkarni, filimkaan waxaa garabsiinaya Advait Chandan waxaana soo saare ka ah Viacom18 Studios iyo Aamir Khan Productions.

Amiiroow iska ilaali ilmaha Saif ali khan waaku korkufay iyo bala bala Maliska yeelayo ..Bebo ayaa uur uleh saif waxeena haatan kashaqeeneesaa filmkeeda Laal singh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here