Sida lawada sugaayeyba waxaa lasoo bandhigay good gooska labaad ee xalqada 24-aad taxanaha Hercai (Trailer 2) waxaana goos gooskan laguugu tusaa arin xiiso leh.

Miiraan iyo Reyyan oo kaliya ayuu u gaar yahay goos gooskan sida guud waana mid kayar hal daqiiqo, midkii kowaad waxuu inoo joogay Miiraan oo careysan kana daba tagaayo Reyyan oo aaday tuuladii ay kasoo jeeday miiraan hooyadiis Dilshaah si ay xaqiiqada usoo ogaato.

Hadaba goos gooska labaad waxaa laguugu tusaa Miiraan iyo Reyyan oo la kulmayaan duq waayeel ah oo tuuladaas degen waxayna weydiinayaan macluumaad kusaabsan nolosha Dilshaah (Miiraan hooyadiis).

Waxay oga sheekeynee nolosha haweeyneydaas iyo sider udhibeen qoyska Aslanbey Miiraan waxuu ogaana in hooyadiis si qasab ah loogu guuriyay qoyskaas oo aysan marnaba raali ka aheen arooskaas.

Waxuu ogaana in hooyadiis la dhibi jiray kadibna sheekada iyadoon loo dhameynin ayuu banaanka usoo baxa isagoo ooynaayo waxaana kasoo daba galeyso Reyyan bal si ay udajiso maadama uu murugeysan yahay.

Intaas ayuu kudhamanaa goos gooska labaad hal suaal ayaa is weydiin mudan Miiraan ma ogaaday in Hazar aabihiis yahay maadama taariikhda hooyadiis looga sheekeyay.?

Xalqafa 24-aad ee sabtida ayaa lagu ogaan doonaa jawaabta suaashan oo dad badan is weydiinayaan hadii aad u baahantahay macluumasd dheeri ah iyo xogag kala duwan muuqaalka hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here