Inaba caadi ma ahan Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 3 goos gooska laga soo bandhigay wuxuu dhigay rikoor aan horey Bollywood-ka looga arag madaama mudo 24-saac gudaheeda goos gooska ku daawadeen 59-milyan oo qofood waa wadarta guud dhamaan bar walbo oo filimkan lasoo dhigay goos gooskiisa haddii ay ahaan laheyd Youtube, Facebook, Twitter, Instagram iyo meelo kale.

Shirkada Nadiadwala Grandson oo Baaghi 3 maal galineyso ayaa qoraalkan rasmiga ah baraha bulshada soo dhigtay “Waxaan ku faraxsanahay jaceylka aad siiseen Baaghi 3 madaama goos gooska filimkan marhore iskoor dhigay wuxuuna noqday goos gooska loogu daawasho badan yahay ebid Bollywood-ka soo bandhigaan mudo 24-saac gudaheeda baraha kala duwan waxaana daawadeen 59-milyan oo qofood!”

Qof walbo wuxuu la cajabay Action-ka iyo ficilada waalida ah ee Tiger Shroff goos gooska Baaghi 3 kusoo bandhigay waxaana filimkan la daawan doonaa 6 Maarso 2020 sidoo kalena Shraddha Kapoor iyo Riteish Deshmukh ayaa doorar muhiim ah ku leh.

Baaghi 3 waxaa Director ka ah Ahmed Khan halka Sajid Nadiadwala uu soo saare ka yahay taxanahan hirgalao oo lagu kalsoon yahay inuu iskooro waali ah Boxoffice-ka ka sameyn doono weliba dadka aflaanta ka faaloodaan gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo Boxoffice-ka waxay ku sharad tamayaan in Baaghi 3 250 Crore ka talaabi doono hubanti ahaan waa haddii fariintiisa heer sare noqoto madaama Action-kiisa heer sare yahay sida goos gooska lagu arkay.

Fadan markale hoos ka daawo goos gooska Baaghi 3 hubanti ahaan waad ka heli doontaa wacdaraha uu shaashada ka dhigay Tiger Shroff:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here