Iyadoo jilaaga hoggaaminaya filimka Dil Bechara ee Sushant Singh Rajput uu geeriyooday bishii tagtay ee Juun bartamaheedii, haddana taageerayaasha aktarka ayaa si aanan caadi ahayn u xiiseynaya daawashada filimkiisii ugu dambeeyay kaasoo dhowaan la daawan doono.

Goos-gooska filimka Dil Bechara ayaa lasii daayay 6-dii bishan Luulyo, waxaana uu gaaray rikoor cusub oo dhanka goos-goosyada ah, maadaama uu noqday goos-gooskii ugu horreeyay ee barta YouTube ka hela 10 milyan oo LIKE oo la micno in 10 milyan oo qof ay soo dhoweeyeen goos-gooska filimkan.

Sidoo kale goos-gooskan ayaa noqday midkii ugu likes-ka badnaa 24-ka saac ee ugu horreeya marka lasoo galiyay barta YouTube, waxaana rikoorkan uu ku garaacay xitaa filimida Hollywood-ka ay sameeyeen ee kala ah Avengers: Endgame iyo Infinity War.

Marka laga soo tago boorsamiindada filimkan, sidoo kale waxaa ammaan badan helaya heesaha ku jira filimkan ee la sii daayay kuwaasoo taageerayaasha ay aad u jecleysteen.

Filimka Dil Bechara waxaa Director ka ah Mukesh Chhabra oo filimkiisii ugu horreeyay ee Bollywood ah ka shaqeeynaya, halka atariishada filimkan ee Sanjana Sanghi uu filimkan u yahay midkii ugu horreeyay ee ay sameyso.

Sheekada filimkan waxaa laga soo min guuriyay buug uu qoray John Green oo cinwaankeedu ahaa The Fault In Our Stars, waxaana 24-ka bishan laga daawan doonaa web-ka Disney plus Hotstar.

1 COMMENT

  1. taarikhdu dhigay avengers endgame 30 sano danbe haday hindidu dadalaan ma garanayaan zakariye abdi like loma bahne
    2.700 billion ayaa layska rapaa zaaxib What happens is you don’t turn a blind eye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here