Anil Kapoor, John Abraham, Ileana D’Cruz, Arshad Warsi, Rakul Purit iyo Kriti Kharbanda filimkooda Pagalpanti dadka waali ayuu ku riday goos gooska laga soo bandhigay madaama shactiro, jah wareer iyo fariin waali ah uu xambaarsan yahay filimkan hadal heyntiisa haatan sida weyn u sareyso.

Filimka Pagalpanti waxaa Director ka ah Anees Bazmee waxaana tiyaatarada la saari doonaa 22 Nov 2019 waana mashruuc wax maangal ah lagu soo bandhigay oo kaa yaabinayo qaabka waalida ku dheehan oo ay hogaamiyaasha mashruucan u dhaqmayaan waxaana si gaar ah kuu soo jiidanayaan John, Arshad iyo Rakul sida ay wax walbo isugu qasayaan halka Anil Kapoor isagana laga cabsado.

Filimka Pagalpanti intiisa badan ama mudo sedex bilood ah magaalada London ayaa lagu duubay waana filim qosolka kaa dhameen doono marka aad goos gooskiisa daawaatay qaabka loo dhigay weliba filim sameeye Anees Bazmee laguma gaaro fariimaha jah wareerka iyo shactirada xad dhaafka ah.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Pagalpanti ee dadka waali ku riday sidoo kalena u muuqdo mashruuc qoysaska siweyn kaga heli doonaan hubanti ahaan mudo bil kadib markii tiyaatarada la saaro:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here