Inaba caadi ma ahan goos gooska filimka Sab Kushal Mangal laga soo bandhigay waa shactiro iyo jaceyl isku jiro waxaana lagu soo caan bixinaa labada fanka ku cusub Priyaank Sharma & Riva Kishan halka ruug cadaa Akshaye Khanna door adag ku leeyahay oo mashruucan wax ka hogaaminaayo.

Gabadha lagu magacaabo Riva Kishan waxaa aabo u ah halyega laga dambeeyo Ravi Kishan oo Soomaalida u taqaan Bakiyaa kana soo muuqdo aflaanta Bollwood-ka halka shirkada Bojpuri ka dhisan uu Superstar ka yahay sidoo kalena aflaanta Koonfur Hindiya wuu kasoo muuqdaa markaana gabadhiisa ayaa saxaafada soo gashay.

Filimka Sab Kushal Mangal fariin ahaan waxaa jaceyl sedex geesood ah oo u dhaxeeyo Akshaye Khanna, Priyaank Sharma & Riva Kishan waxaana Director ka ah Karan Vishwanath Kashyap waxaana la daawan doonaa 3 Janaayo 2020.

Filimka Sab Kushal Mangal oo daaha ka qaadi doono sanadka cusub 2020 nasiib wacan ayaan u rajeeneynaa fadlan goos gooskiisa daawo adigaaba ka heli doontid wajiga cusub Akshaye Khanna lasoo baxay iyo dhalinyarada saaxafad ku cusub kaalintooda ay qaadanayaan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here