Waxaa in badan lawada sugaayey goos gooska dhameestiran Sadak 2 (Trailer) ay hogaamiyaal ka yihiin Sanjay Dutt, Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur waana mashruuc inaba aan caadi ahen bandhig ahaan waxayna ku xirantahay daawadayaasha inee soo dhaweyaan inkastoo la iska diiday.

Sadak 2 waa qeybta labaad ee filimkii Sadak  kaaso la daawaday 1991 waxaana hogaamiyeen Sanjay Dutt iyo Pooja Bhatt mashruucan guul weyn ayuu gaaray Director Mahesh Bhatt ayaana sameeyay hadaba kooxda aya 29-sano kadib soo noqdeen waxayna la imaadeen filimkii oo isla dagaal iyo qiyaano ah.

Sanjay Dutt inaba caadi ma ahan sida uu isku diyaariyay, Alia Bhatt oo bandhg cusub sameeyneyso ayaan arki doonaa maadama dagaal iyo qiyaano ay tijaabineyso markaan halka uu caawinaayo Aditya mashruucan ayaana laga daawan doonaa Disney+Hotstar shabakada ah taariikhda markee ku beegantahay 28 bishaan August.

Sadak 2 guul maka gaari doonaa dunida Digital-ka maadama Online loo daawanaayo 28 bishaan mise wuu fashilmi doonaa oo reer Bhattt dartood ayaa loo diidi doonaa ileen hadaba goos gooskiisa waa la iska diiday lasoco maqaalka labaad iskoorka Dislike uu helay dhanka Youtube-ka.

Halkaan hoose ka daawo Sadak 2 goos gooskiisa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here