Fanka Koonfur Hindiya waa talabasaday tayo ahaan iyo farsamo ahaan sameynta aflaanta dunida soo jiidan karaan markaana waxay la imaadeen filimka weyn ee qaabka loo dhigay goos gooskiisa aad loola cajabay filim kale ma ahan waa Sye Raa Narasimha Reddy.

Sye Raa Narasimha Reddy waa filimka Telugu ama Tollywood ah waxaana soo saare ka ah Ram Charan halka Surender Reddy wuxuuna xambaarsan yahay miisaaniyad sare u dhaafeyso 275 Crore ($38.59m) waxaana tiyaatarada la saari doonaa 2 October 2019 waxayna isku dhici doonaan filimka weyn War ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff hogaamiyaal ka yihiin.

Filimka Sye Raa Narasimha Reddy waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Chiranjeevi halka door muhiim ah uu ku leeyahay Mega Star Amitabh Bachchan sidoo kalena atirishada Nayanthara waxay ku mataleysaa halgamaa Chiranjeevi xaaskiisa waxaa kaloo mashruucan doorar adag ku leh Kichcha Sudeep iyo Vijay Sethupati yaanan ka reebin Tamannaah Bhatai iyadana in filimkan door muuqdo ku leedahay.

Filimkan qof walbo oo Hindi ah ayuu qiiro galiyay madaama fariintiisa ka hadleyso xiligii gumeysiga qaraaraa Ingiriiska ku hayeen Hindiya iyo markii halgamaa Narasimha la dagaalamay dadkiisana dhibaato xoogan loo geestay isagana Ingiriiska dhibaato dhaqaale iyo mid nafeed u geestay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Sye Raa Narasimha Reddy adigaba yaabi doontid qaabka heerka sare ah loo sameeyay waana hubanti ahaan mashruucan inuu Koonfur Hindiya iyo guud ahaan Hindiya oo idil wacdaro taariikhi ah ka dhigi doono:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here