Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimak Street Dancer 3D oo si weyn loo wada sugaayey inaba caadi ma ahan mashruucan sidan loo habeeyay goos gooskiisa iyo qoob ka cayaarka Varun Dhawan oo xiiso weyn leh.

Director Remo ayaa markale la yimid filim sheekadiisa aas aas u tahay qoob ka cayaarka markaana sheekada waxay u gaar tahay xifaaltan Dance oo dhexmari doono labo koox oo Pakistan iyo India kasoo kaal jeedaan.

Goos gooska ayaa ku bilaawanaya Varun oo si cod dheer ah u qeylinaayo xili muuqaal ahaan lagu tusaayo dagaalo dhexmaraayo labada dal ee Pakistan iyo India sido kale waxaa xiiso leh doorka Shraddha Kapoor ee Inaayat oo soo jiidasho leh.

Waa mid kamid ah filimada Bollywoodka 2020 sida weyn loo wada sugaayo waxaana kujiraan koox u tabobar dance-ga ama qoob ka cayaarka fadlan hoos ka daawo goos gooska dhameestiran ee laga soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here