Shalay oo taariikhda ku beegned 19 Nov waxaa dhaceen dhacdooyin badan oo kala duwan kuwaaso taariikhda ay diiwaan galisay waxaana halkaan kusoo koobeyna wararkii ugu waa weynaayeen ee Bollywoodka shalay.

Sushmita Sen oo 44 jir noqotay: xidigtaan waxay dhalatay shalah oo kale 19 November 1975 waxayna si rasmi ah u jirsatau 44 sano cimri ah waxaana xusid mudan saaxiibleed Rohman Shawl inuu baraha bulshada ugu hambalyeeyay markaan jaceylkooda qarsoodi ma ahan.

Goos Gooska Tanhaji oo lasoo bandhigay: Tanhaji-The Unsung Warrior waa Filim taariikhi ah oo shalay goos gooskiisa lasoo bandhigay si weyn ayaana looga helay mashruucan uu hogaamiyaha ka yahay Ajay Devgn halka Kajol atiriisho ka tahay waxaana laadar ka ah Saif Ali Khan 10 jan 2020 ayaana la daawan doonaa.

Mrunal Thakur oo atiriisho ka noqotay Jersey: Atiriishada Tv-yada caanka ka ah Mrunal Thakur ayaa saxiixatay Filimkeeda labaad Bollywood ah kaaso uu atoore ka yahay Shahid Kapoor waxaana la dhahaa mashruucan Jersey 28 Aug 2020 ayaana la daawan doonaa Mrunal horey waxay u sameysay Super 30 oo Hrithik Roshan hogaamiye ka ahaa isla sanadkaan 2019 kaaso Hit noqday.

Nayanthara oo 35 jir noqotay: atiriishada caanka ah ee reer Tamil ayaa iyadana u dabaal dageysa sanad guuradeeda dhalasho maadama ay 35 jir noqotay waxay dhalatay 18 Nov 1984 sidaa aawged waxay sanad guurada dhalashadeeda Miami kula dabaal dageysa sasxiibked oo baraha bulshada ayee qabsadeen sawiradooda u dambeyeen markee soo dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here