Goos gooskii 2aad ee xalqada 23aad taxanaha Hercai oo lasoo saaray iyo Miran oo Reyyan runta u sheegay.

0
7838

Waxaa lasoo saaray goosgooskii 2aad ee xalqada 23aad taxanaha Hercai waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa guud ahaan goosgooskaas.

-goosgooska ayaa ah mid u khaas ahaa kulan Romantic oo u dhaxeeyo Miran iyo Reyyan ayadoo Miran uu Reyyan runta u sheegaayo iyo ineysan marnaba kala maarmin.

-goos gooska ayaa ka bilaabanayo Reyyan oo taleefan dhagta u saaranyahay misna leh Miran hadal balse waxaa gadaasheeda taagan isla Miranka telka kula hadleyso.

-Reyyan ayaa weydiineyso Miran maxaad adiga halkaan u joogtaa markale ? waxayna Jawaabta Miran noqoneysaa adiga halkaas (Qasrigooda) ilama joogtid adiga ayaa halkaan joogo oo adiga ayaan kuu imid.

-kadib Miran ayaa gacantiisa saarayo qalbiga Reyyan gacanta Reyyana wuxuu saaraa qalbigiisa wuxuuna ku dhahaa aniga halkaan (Qalbigeeda) ayaan ku jiraa adigana halkaan (Qalbigiisa) ayaad ku jirtaa sidaas owgeed si kastoon isugu dayno inaan kala tagno makala tagi karno, fiiri sida aad u qal qaleyso markaan ku taabto, gacmahaada dhidid ayaa ka ka yimaado markaan ku taabto, mana awoodo caqligaada inuu qalbigaaga ka tanbadiyo.

Miran wuxuu u sheegayaa Reyyan iney qalbigeeda raacdo waayo caqligeeda kama tanbadin karo qalbigeeda.

Goosgooska waa mid kooban misna gaaban oo Romantic ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here