Goosgooska xalqada 13aad ee taxanaha Hercai oo holac ah Reyyan wey ogolaatay in ay guursato Miran balse hal arin ku xujeysay xili Aziza qorsho halis ah dageyso.

0
1158

Waxaa lasoo saaray shalay goosgooska taxanaha Hercai xalaqadiisii 13aad asigoona bilaaban doono Season 2 xili season 1 uu ka koobnaa 12 xalqo.

Goosgooska shalay lasoo bandhigay waa midka 1aad ee xalqada 13aad waxaana lagu soo bandhigay in Reyyan diyaar u tahay guurka Miran balse hal shuruud wadato waxayna tahay inuu ka tanaasulo aargudashada uu u socdo oo qoyskeeda la nabad galiyo.

Jawaabta Miran waxay noqoneysaa inuu wajaho Aziza AslanBey balse ma cada inuu ka tanaasulayo aargudashada waayo hadaladiisa waxaa kamid ah inuu Aziza ku dhaho “Dhaawaceena waa mid balse wadooyinkeena waa kala duwanyihiin” waxaana hadalkaasi laga qaadan karaa dhowr macnood balse xalqada ayay ku cadaan doonaan.

Dhanka kale Azad wuxuu isku dayaa inuu fadeexeeyo Gonul maadaama ay xabada ku dhufatay iskuna dayday iney shirqoosho oo disho balse Azaad waxay is wajihi doonaan Miran iyadoona Reyyan soo kala dhexgali doonto una sheegi doonto Miran inuu qoyskeeda nabad galiyo.

Aziza sidii caadada u aheydba dibin daabyadeeda ma dhamaato markaana waxay isku dayi doontaa sidii Miran iyo Reyyan u kala ilaalin laheyd in Azaad uu guursado Reyyan balse lama oga sida ay ku suurto gali doonto.

Xalqada oo dhameystiran waxay soo bixi doontaa 20ka bishaan oo ku began jimcaha soo socoto.

Isla socod wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here