Gormee La Daawan Doona Sushant Singh Iyo Jacqueline Fernandez Filmkoda Drive? Karan Johar Ayaa Ka Jawaabaya!

Drive waa film dagaal iyo shactiro isku dhexjirto ah waxaana hogaamiyaal ka ah Sushant Singh Rajput iyo Jacqueline Fernandez oo marki ugu horeysay shashada wadaagi doonan.

Filmkaan waxaa Director ka ah Tarun Mansukhani halka uu maal galiye ka yahay Karan Johar waxaana shaaca laga qaaday in la daawado 7 Sep ee sanadkaan 2018.

Karan Johar ayaa maanta baraha bulshada ku sheegay in mashruucan la daawan doono 7 September ee sanadkaan markii horena waxuu ahaa qorshaha feestada Holi in la daawado balse hader waxaa loo bedelay in 7 Sept la daawado.

Waa mashruuc shactiro iyo dagaal isku dhexjiro ah waxaana duubis tisa la gaba gabeyay bishii aan soo dhaafnay ee Janaayo.