GOT7′ xubin weyn ayee dhumiyeen shirkada JYP Entertainment oo weyn doonta dhamaadka bishaan laba xidig oo halboolo u aheyd?

0
795

Kooxda caanka ah ee Kuuriyada Koonfureed GOT7 xidiga kujira ee Yugyeom waxay umuuqataa inuu kasii tagayo kooxda, JYP Entertainment.

Sida ku xusan warbixinnada, muusikiistaha 23-sano jir-ka ah ayaa wadahadalo kula jira si uu ula saxiixdo qandaraas gaar ah kooxda AOMG, ee kadhisan Koonfurta Kuuriya waana kooxkale oo Hip-Hop iyo R&B-ka taasoo uu aasaasay 2013 Jay Park.

6-da January oo maanta ayaa lagabaahiyay SPO TV News in Yugyeom uu qorsheynayo inuu ka wareego JYP Entertainment ka dib markii qandaraaskiisu dhammaado bishaan. Wuxuu wadahadal kula jiray dhowr shirkadood kahor inta uusan dooran AOMG.

JYP Entertainment ayaa soo saartay warbixin ay siisay Newsen, “Weli waxaan ka wada hadlaynaa fursadaha kala duwan ee ku saabsan qandaraasyada GOT7, waana kuu soo sheegi doonaa markaan diyaarsano.” Bishii Decembar 2020, cod-yaqaan-k iyo jilaaga Jinyoung ayaa sidoo kale lagu soo warramey inay kulamo la qaateen BH Entertainment si ay ula saxiixaan qandaraas gaar ah oo uu ku sii ambaqaado xirfadiisa jilitaanka.

Waqtigaas, hay’addu waxay ku wargalisay inay wali wadahadal kula jiraan xubnaha maaddaama qandaraaskoodu dhammaanayo Janaury 2021. GOT7 waa koox wiilal ah oo ka kooban toddobo xubnood oo ay ku jiraan JB, Mark, Jackson, Jinyoung, Youngjae, Bambam, iyo Yugyeom. Kooxdu waxay soo saartay albumkooda ‘Breath Of Love: Last Piece’ oo ay raacsanyihiin laba fiidiyow oo muusig ah – ‘Breath’ iyo ‘Last Piece’ bishii Novembar 30keedii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here