Bollywoodka xiriirada jaceyl ee soo mareen tiro maleh balse inta guuleysatay oo xiriirkaas laga dhabeeyay guurna loo bedelay aad ayee u yaryihiin waana kuwo la tirin karo hadaba maqaalka waxaan kaga hadleena quruxleydii hore Neelam Kuthari.

Neelam waxay ahed atiriisho caan ah oo 90-maadkii ilaa dhamaadkii 80-kii lagu tiriyay Bollywoodka atiriishooyinka ugu qurxanaayeen hadaba gabadhaan nolosheeda dhanka Bollywoodka 2 atoore ayaa soo mareen oo ay jaceyl weyn u qaaday qalbigana ka xadeen.

Midka kowaad waa Superstar Govinda oo ay Neelam dhamaadkii 80-kii isbarteen aflaam dhowr ahna isla sameyeen waligeed kama aysan hadlin xiriirka ay la laheed Govinda balse aad ayaa la isugu xaman jiray taasi bedelkeeda Govinda ayaa ka hadlay.

Waxuu yiri hada kahor,”Inaan Sunita guursado ayaa calaf ahed, Neelam waa gabar caaqil ah aadna u qurux badan waa gabar wiil walba ku hamiyo dooqisana noqoneysa waa run in xiriir na dhexmaray aniga iyo Neelam balse guurka, jacelka, naceebka, kala taga dhamaan wax gacanteena kujiraan ma ahan.”

Waxaa la sheegay in Govinda si lama filaan ah ku guursaday Sunita oo hada caruur udhashay xiriirkii uu Neelam la lahaana bur buriyay midaasna waxay dhaxashay quruxleyda fanka kucusbed xiligaa inee qalbiga ka jabto.

Midka labaad waa Xidiga weyn ee Bobby Deol kaaso 5 sano ka badan xiriir ay la laheed Neelam waana wiilka labaad ee nolosheeda kusoo biiray bartamihii 90-kii kadib Govinda markee kala tageen.

Waxaa la sheegay in Bobby asna meel cidlo kaga dhaqaaqay atiriishadan waliba isagoo ka raacay Pooja Bhatt waana sheeko xan ah oo Bollywoodka si weyn ugu faaftay kadib Neelam ayaaba wax walbo cadeysay oo ka hadashay waxay tiri.

“Majecli inaan ka hadlo arimo ku saabsan nolosheyda gaarka ah balse arinkaan inaan ka hadlo waxaa igu kalifay xanta iyo been abuurka la faafiyay dunida oodhana xaqiiqada inee ogaadaan ayaan rabaa.”

“Aniga iyo Bobby waan kala harnay waa run balse Pooja Bhatt sabab uma ahan darteedna iskuma dagaalin ee labadeena ayaa go’aansanay inaan nolosha isku firaaqeyno midaasna wax cusub ma ahan waligeed ayee lamaane kala hari jireen marka aniga iyo Bobby iskeen ayaa ukala harnay ee qofkale dartiis xiriirkeena uma bur burin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here