Maalmo ka hor waxaan idinla wadaagnay shactiroolaha la wada jecel yahay Krushna Abhishek ee doorka Sapna kaga soo muuqdo barnaamijka Kapil Sharma Show ee shactiroole Kapil Sharma xariiriye ka yahay inuu ka baaqday kasoo muuqashada barnaamijkan kadib markii uu ogaaday abtigiis Superstar Govinda oo xurguf kala dhaxeyso inuu kasoo muuqanayo weliba Krushna Abhishek saxaafada arimo badan oo qilaafka abtigiis kala dhaxeeyo ayuu la wadaagay.

Haddaba Superstar Govinda ayaa ku qasbanaaday inuu arintan ka hadlo wuxuuna si rasmi ah wax walbo ula wadaagay saxaafada inkastoo Govinda sheegay inuu ka xun yahay arin qoys u gaar ah bulshada lala wadaago haddana lagama maarmaan tahay dhaliisha kaga timid wiilka uu abtiga u yahay inuu ka hadlo.

Govinda wuxuu yiri “Waxaan wargesyada ka aqriyay wiilka aan abtiga u ahay Krushna Abhishek inuu bilawgii todobaadkan barnaamijka Kapil Sharma Show kaga baaqday in abtigiis kasoo qayb galayo. Midaas dhib malahan balse waxaa ceeb ah inu saxaafada la wadaagay arimo qoys ka dhaxeeyo oo aan ku habooneyn in warbaahinta xog laga siiyo taasi oo sidii ay doonto u fasiran karto.”

Govinda oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Krushna Abhishek wuxuu igu eedeeyay inaan isbitaalka kusoo booqanin labadiisa caruur mataanaha ahaa. Laakiin midaas waa been sababtoo ah aniga iyo qoyskeyga waxaan tagnay isbitaalka xitaa waxaa la weydiin karaa dhaqtar Awasthi iyo kal kaaliyaasha caruurtiisa daryeelayeen inaan isbitaalka tagnay, laakiin kal kaalisada waxay ii sheegtay in Krushna xaaskiisa rabin inaan qolka ugu galno oo aan booqano caruurta mataanaha ahna soo aragno weliba caruurta bacriminta ugu dhasheen anagoo rabno inaan aragno qoys ahaan safar dheer soo galnay waa naloo diiday waxaan u maleynaa Krushna midaas inuusan ka war qabin balse qofkii doono isbitaalka wuu la xariiri karaa xaqiiqadana wuu weydiin karaa dhaqaatiirta iyo kal kaaliyaasha, waxaana si adag u aamin sanahay in Krushna wixii nagu dhacay uusan ka warqabin mana rabin inaan sheego balse danta igu qasabtay.”

Govinda intaas kuma uusan hakan wuxuu sii yiri “Xitaa waxaa dhacday waqti kale in Krushna iyo labadiisa caruur mataanaha ah guriga nagu soo booqdeen balse midaas muxuu saxaafada ugu sheegi waayay ma hilmaamay mise si ku tala gal ah ayuu u qariyay isma laheyn wiilka aad abtiga u tahay ayaa xumaan intaas la eg warbaahinta kuu marinaayo.”

Ugu dambeyntii Govinda wuxuu saxaafada u sheegay in Krushna Abhishek iyo xaaskiisa Kashmera marwalbo isaga iyo qoyskiisa eeda dusha kaga tuuraan ama wax ka sheegaan wuxuuna sheegay inuu midaas ka xun yahay aadna u jeclaan lahaa wiilka uu abtiga u yahay inuu fahmo xushmada waalidka ka mudan yahay haddii qilaaf gaar ah qoyska ka dhex jirana si hoose loo xaliyo laakiin 100% qalad tahay warbaahinta arimo qoys lala wadaago wuxuuna Govinda ugu baaqay Krushna inay wada hadlaan si hoosena wax walbo u dhameeyaan aadna looga fiican yahay inaan warbaahinta la isku adeegsanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here