Boqorkii qoobka cayaarka ciyaaraha Dance-ga 90-maadkii sido kalena ahaa shactiroole aad u weyn ilaa loogu magac daray magaca “boqorka shactirada” Govinda ayaa dhowaan sameystay Youtube ugaar ah isaga.

Govinda waxuu noqday heesa codkiisa rasmiga ah ku heesa waxuuna soo saaray Album heesihiisa cusub ah waliba xayeysiin ayuu u sameeyay Album-kaas mar uu ka qeyb galay barnaamijka Tv-yada laga daawado ee The Kapik Sharma Show ayeena dadka badankiisa ku ogaadeen in Govinda Album soo saaray.

Codkiisa waa mid xiiso leh sido kalena Youtube-kiisa 4-maalmood ilaa 5-maalmood ayuu jiraa si xowli ayuuna kusoo kacaya Govinda waligiis heesaha uu shaashada ku jili jiray waa loogu luuqeyn jiray balse markaan isaga ayaa heeso ku luuqeynayaa misane codkiisa ku heesaya magaca kanaalkiisana waxaa la dhahaa “Govinda No.1”

Heesayaashii caanka ahaayen ee heesihiisa u qaadeen waxaa kamid ah kumar Sanu, Udit Narayan, Sonu Nigham, Abhijeet iyo kuwa kale oo badan sido kale Album-yadii 90-kii ugu fiicnaayeen ee uu Govinda sameeyay waxaa kamid ah Albela, Naseeb, maharaja, Bade Miyan Chote Miyan iyo kuwa kale oo badan.

https://l.facebook.com/l.php?u=https%3A%2F%2Fwww.youtube.com%2Fchannel%2FUCbiDgWI9kGQjFvuvMhc8Ayw%2Fvideos%3Ffbclid%3DIwAR2WlRlLHGNtm50w4nyP7-rMd7-JpQdrEeOKB_488rP_l93BujyZDTHtzoQ&h=AT0oovMlaah8INb3UxEKm8YV9oD0Jcd_wrIXn3VaxNpc1P2gxVkNINZlVlBIAy3yZwGlsPMb67T5_1yg4_gifuasXUOxUiqqsFpVjZr-RJwFFet4grUjFvG9W7ZTE5BIwWSw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here