Raja Babu waxaa la daawaday 1994 waxaana wada jileen Govinda, Karisma Kapoor, Kader Khan, Shakti Kapoor iyo kuwa kale oo badan waxuuna noqday darajo ahaan Super Hit waana mashruuc ilaa maanta aad loo jecel yahay xitaa heesahiisa.

Govinda ayaa dadka oga sheekeyay dhowaan dhacdo kusaabsan mashruucaas xili uu ka qeyb galaayey barnaamijka Tv-yada kabaxa ee Kapil Sharma daadihiya kayahay waxuuna sheegay inuu ku labistay buumo uu leeyahay Shakti Kapoor dadkii goobta joogeen ayuuna si weyn kaga qosliyay.

Kapil ayaa weydiiyay suaasha ah,”Filimka Raja Babu waxuu kamid yahay Filimadaada loogu jecel yahay maxaa dhacdo ah oo aad ku xasuusan doontaa Filimkaas dadkana aad caawa la wadaageysaa.”

Waxuu yiri Govinda,” lama tirin karo dhacdooyinka Filimkaas igu qabsadeen balse mid xiiso leh ayaa idiin sheegaa muuqaal kamid ah Filimkaas xili aan xiranahay daba-gaab ama buumo (surwaalka yar) buumahaas aniga malihi waxaa leh Shakti Kapoor oo meesha ila joogay.”

“Xiligaas ayuu Shakti suuliga kasoo baxay isagoo qubeys kayimid waxuuna baadi goobaayey buumahiisa mana oga aniga ayaa xilo hore ka xaday oo muuqaak duubis ayaanba galay arinka xiisaha leh ayaa ah inuu iga qosliyay anigoo muuqaalka duubaayo waayo gadaashey ayuu joogay isagoo dhahaayey ‘arka Govinda daba-gaabkeyga ayuu wataa indho adkaa ninka’ duubista ayaa joojiyay qosolkl aawgii mar uu sidaa lahaa.”

“Sababta aan buumihiisa u qaatay ayaa ahaa inaan ka helay midabkiisa wuuna ku haboonaa muuqaalka aan duubaayeu waxaana midaas sii dheer inaan asd u jeclahay surwaalada yaryar.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here