Judwaa waa mid ka mid ah aflaantii ugu caansanaa oo ay Bollywood-ka sameeyeen 90-maadkii waxaana filimkaan magac iyo maamuus ku helay Mega Star Salman Khan.

Judwaa oo maanta oo kale la daawaday 7 Feb 1997 wuxuu noqday Hit weyn sidoo kalena waa filim Classic ah oo heeso hirgaleen iyo shactiro dhameestiran leh Action-na u dheer yahay.

Govinda oo dhawaan bixiyay wareysi ayaa waxa uu daaha ma qaaday arrin xiiso badan isagoo sheegay inuu ahaa dooqa kowaad filimkan Director David dhawan ee Judwaa laakiin uu isaga baxay ka dib markii uu codsi kaga yimid saaxiibkiisa Salman khan

Govinda oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” aniga xiligaaas waxaa mashquulkayga ayaa aad u badnaa waxaana duubis ku waday filimkeega Banarasi Babu sidoo kale waxaan isku diyaarinaayay inan duubis ku bilaabo filimka Judwaa

laakiin Salman khan ayaa habeen isoo wacay waxa i weydiiyay su’aal taaso ah Govinda 5 sano ugu dambaysay meeqo hit ayaa sameesay ? aniga waan yaabay marka uu i weydiiyay su’aal noocaas ah waxaana ugu jawaabay maxaa dhacay saxiib ka dib waxa uu iga codsatay inan siiyo booskeeda filimkaas aniga xiligaas saaxiib dhow ayaan Salman khan ahayn”

Govinda ayaa sidoo kale sheegay inuu isaga baxay samaynta mashruucaas isagoo soo saare sajid nadiadwala ku wargeliyay in booskaas salman khan la dhiibo laakiin Salman khan muusan hilmaami wanaagii iyo asxaanka Govinda isagoo sanadkii 2007 govinda kusoo daray filimkiisa Partner xiligaaso Govinda awoodiisa ay sii dhacaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here