Filimka Gully Boy ayaa laga saaray misna laga soo reebay liiska filimada u sharaxan abaal marinta caalamiga ee Oscar waxaana filimkaan rajo weyn ka qabtay India oo dooneysay in sanadkaan ugu yaraan ku tagaan 5ta filim isugu soo hareyso abaal marintaan.

Gully Boy ayaa u sharaxnaa bilada filimka ugu wanaagsan filimada ajnabiga kaasoo ku lagu daawaday luuqada qalaad balse gudiga qiimeynta filimada ee Oscar ayaa filimkaan liiska kasoo saareen ayagoo soo magacaabay liis 10 filim ka kooban  kuwaasoo laga sii dooran doono 5 filim oo u tartama filimka ugu wanaagsan filimada qalaad.

Gully Boy ayaa soo baxay horaantii sanadkaan bishii Febraayo 2019ka waxaana wada jilaayo Ranveer Singh iyo Alia Bhatt ayadoo Zoya Akhtar ay Directed ka tahay waxaana filimkaan laga qabay rajo aad u wanaagsan balse waxaa la ogaaday inuusan la tartami Karin filimada kale ee caalamiga sidaas ayaana looga soo saaray liiska.

Abaal marinta caalamiga ee Oscar ayaa waxaa la qaban doonaa 9ka bisha Febraayo 2020ka waxayna India markale sugi doontaa filim u tartamo abaal marintaan iney la imaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here