Guud ahaan Sushmita Sen waxay hanaay oo ay ku guulesatay 8 Bilad ama 8 jeer ayaa abaal marin la gudoonsiyay intii ay ku guda jirtay xirfadeeda jiliin.

Sida Ay Ugu Kala Guulesatay 8 Bilad Iyo Shirkadaha Siyeenba Hoos Kaga Bogo:

Sanadkii 2000 shirkada Filimfare Award waxay xidigtaan gudoonsisay abaal marinta atiriisho caawiso tan ugu wanaagsan (Best Supporting Actress) waxayna ku hanatay bandhigeedii cajiibka ahaa ee filimka Biwi No.1 (1999).

Sido kale Star Screen Award ayaa isla sanadkii 2000 gudoonsiyeen atiriisho caawiso tan ugu wanaagsan isla filimkeeda Biwi No.1

Waxaa Xusid Mudan in IIFA Award ay sido kalena gudoonsiisay abaal marinta  isla atiriishada caawisada  ugu wanaagsan ee filimkeeda Biwi No.1

Ugu dambeyn shirkada abaal marinada bixiso  Zee Cine Award aya ayadana xidigtaan sanadkii 2000 gudoonsiisay abaal marinta atiriishada caawiso tan ugu wanaagsan ee bandhigeeda filimkaBiwi No.1.

Tani waxay ka dhigantahay in gabadhaan quruxda badan ay sanadkii 2000 ku guulestay abaal marinta atiriishada caawiso mida ugu wanaagsan afar jeer micnaha afar shirkadood ayaa abaal marintaan hal sano gudaheeda siisay.

Sanadkii 2003 ayaa waxay markale hanatay abaal marinta atiriisho caawiso midii ugu wanaagsaned (Best Supportin Actress) oo ay shirkada Zee Cine Award bixiso waxaana lagu siiyay bandhigeeda filimka Filhal.

wixii markaan kadambeyay xidigtaan shirkadaha aan kor kuso xusnay wax abaal marin ah ma gudoonsiini balse abaal marino qaas ah ayee sedex jeer kala duwan ku kala guulestaya.

Kuwaas ookala ahaa sanadkii 2006 ayaa waxaa la siiyay abaal marin qaas ah oo ay kamid tahay Rajiv Gandhi Award oo lagu siiyay waxqabadkii ay uso qabatay Bollywoodka.

Iyo labo abaal marin kale oo lagu siyay mid wanaageda faraha badnaa iyo mid quruxdeeda lagu siiyayba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here