Priyanka Chopra ayaa maanta jirsatay 38-sano hadaba xidigtaan munaasabada dhalashadeeda aawged waxaan kasoo diyaarinay macluumaad kooban oo dhanwalba ka hadlayaan wax badan ayaadna ka ogaan doontaa hoos kaga bogo:

Quruxda heerka ay ka gaartay: 30 November sanadkii 2000 waxay PeeCee ku guuleysatay tartanka quruxda aduunka waxaana loo caleemo saaray sanadkaan inee tahay gabadha dunida ugu quruxda badan (Mss World).

Birthday Special: Check out Priyanka Chopra’s cutest pictures with hubby Nick Jonas

Qaab Jiliinka heerka ay ka gaartay: Waxaa lagu qeexa mid kamid ah jilayaasha ugu qaab jiliinka wacan taariikh ahaan hindiya doorar kala duwan ayaa Priyanka loo dhiibay sida ay u jishay waa wax cajiib ah tusaale waxaa kuugu filan qaabkee kaga baxsatay aflaamta door ahaan kala duwan sida Aitraaz, Fashion, Barfi, Don, Mary Kom iyo kuwa kale waana doorar adag marka mid walba gooni loo qiimeyo.

Darajadeeda Atiriishanimo; Box-office ahaan marka loo hadlo waa xidig (Star) oo ma aysan gaarin Superstar-nimo BOI ayaana ah halbeega saxda ah ee maqaamka jilaaga lagu qiimeyo balse caanimo ahaan hadii loo fiiriyo waa Global Superstar.

Priyanka Chopra Nick Jonas Feature

Guulaheeda Box-office-ka:

Tirada Filimada ay sameeysay: 41-Filim oo Bollywood ah ayee sameysay.

Tirada Aflaamta u guulesteen; 18-Filim waxayna ku jirtaa kaalinta 4-aad qarnigaan cusub atiriishooyinka ugu guulaha badan waxaana ka horeyaan Kareena,Katrina iyo Rani.

Tirada Filimada Hit dhameestiran u noqdeen: 10-Filim waxayna gashay kaalinta 4-aad qarnigaan cusub atiriishooyinka ugu Hit-ka badan marka ladhaho waxaana ka horeyaan Katrina, Kareena iyo Deepika,

Filimada ay ku faanto guul ahaan: Krrish (Blockbuster), Krrish3 (Blockbuster), Agneepath (Superhit), Barfi (Superhit) iyo kuwa kale.

Priyanka Chopra Birthday Special: The Quantico Actress' Street-Style is a Topic That all Budding Fashionistas Need to Study (View Pics)

Heerka shacbiyada Priyanka Chopra: Kudhowaad 121-milyan Followers ayee PeeCee baraha bulshada ku leedahay marka wadar ahaan la isku daro Instagram+Twitter+Facebook waxayna hogaanka u heysaa guud ahaan Bollywoodka Ragg iyo Dumar iyada ugu shacbiyad bada waqtigaan sido kale waxay sanadkaan qeybtiisa hore kamid noqotay 5-qof loogu baadi goob badnaa Google-ka.

Waa Atiriishadii kaliya meelsaartay Akshay Kumar: sidaan wada ognahay Akshay Kumar waxaa loogu yeeri jiray magaca “Shabeel-naagood” oo Filimadiisa hore inta badan waxaa kujiree muuqaalo dareen uu atiriishooyinka shaashada kula wadaagayo kuwa badan ayaana ka qeyliyeen balse Priyanka ayaa ka yaabsatay bilawgii qarnigaan markee Aitraaz la sameysay isaga oodhan ayee jeebka ku ridatay waxayna bartay qaabka indho adeega ah ee muuqal dareen loo sameeyo.

Happy birthday Priyanka Chopra: Seven times when the ‘Desi Girl’ slayed in a saree

Abaal marinada ay ku guuleysatay: 81 abaal marin ayee guud ahaan ku guuleysatay xidigtaan waxaana kamid ah 5-Filimfare ah oo mid kamid ah Best Actress lagu siiyay halka National Filim Award ay ku guuleysatay sido kale dowlada Hindiya waxay gudoonsiisay abaal marinta Padma Shri oo ah mida 4-aad ugu darajada sareysa ee muwaadin hindi ah la siiyo waxaana lagu siiyay waxqabadkeeda fanka hindiya.

Xirfadaha kale ee Priyanka Chopra: waa heesaa ama fanaan codkeeda ku heesi karta sido kale waxay qeyb ka tahay hay’ada aduunka ee xuquuqda caruurta u dooda UNICEF waliba waa safiirka hay’ada wadamo badan ayeena booqatay caruur badan oo dhibaateysana wax u qabatay sido kale Priyanka jilyaasha hindiya waxay dheertahay inee Hollywood xidig ka tahay inkastoo Deepika, Aishwarya, Irrfan Khan, Anupam Kher iyo kuwa kale Hollywood kasoo muuqdeen hadana saameeynta Priyanka kama aysan sameeynin mid lamid ah.

Nolosha gaarka ah ee Priyanka Chopra: waxay udhaxdaa heesaaga caanka ah ee reer America Nick Jonas sanadkii 2018 ayeena la aqal gashay xidigaan hindiya ayeena hader kula nooshahay sido kale Priyanka waaggii hore waxaa lagu xaman jiray inee xiriir la leedahay jilayaal ay kamid yihiin Akshay Kumar, Shah Rukh Khan iyo Shahid Kapoor.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here