Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay abaal marinta dhameestiran ee ay bixisay shirkada Star Screen waana abaal marin sanadle ah oo ay gudoonsiiso shaqsiyaadka ka shaqeyaan fanka hindiya kuwooda ugu wax qabadka fiicnaayeen sanadka.
Dadkii goobta isugu imaadeen waxaq ugu caansanaayeen jilayaasha Bollywoodka oo ay kamid ahaayen Ranveer Singh, Alia Bhatt, Shahid Kapoor, Kartik Aryan, Bhumi Pednekar, Kiara Advani, Shahid Kapoor, Rekha, Shilpa Shetty, Ananya Panday, Deepika Padukone, Taapsee Pannu, Kriti Sanon iyo xidigo kale.
Ranveer Singh ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan 2019 waxuuna ku qaatay bandhigiisa Filimka Gully Boy halka Alia Bhatt iyadana la gudoonsiiyay abaal marinta atiriishada ugu fiican 2019 oo Gully Boy lagu siiyay sidaa aawged waa hogaamiyaasha abaal marintaan la bixiyay.
Gully Boy sido kale waxuu noqday Filimka ugu wanaagsan 2019 oo Star Screen Awards 2019 u aqoonsatay hadaba abaal marintaan iyo guuleystayaasheeda oo dhameestiran hoos kaga bogo:
Best Film Critics – Choice Article 15
Best Film Popular- Gully Boy
Best Actor Male Popular – Ranveer Singh – Gully Boy
Best Actor Female Popular – Alia Bhatt – Gully Boy
Best Director Critic Choice – Anubhav Sinha – Article 15
Best Director Popular – Zoya Akhtar – Gully Boy
Best Supporting Actor (Male) – Gulshan Devaiah – Mard Ko Dard Nahi Hota
Best Supporting Actor (Female) – Kamini Kaushal – Kabir Singh
Baat Nayi Award – Lukka Chuppi
Best Actor Critics Choice (Male) – Ayushmann Khurrana
Best Actor Critics Choice (Female) – Bhumi Pednekar and Taapsee Pannu
Most Promising Actor (Male) – Siddhant Chaturvedi – Gully Boy
Most Promising Actor (Female) – Sara Ali Khan – Kedarnath