Waxaa lagu dhawaaqay guuleystayaasha abaalmarinta sanadlaha ee Ayakli waana abaal marin ay bixiso majalada Ayakli ee Turkishka ah.

Xaflada abaal marintaan oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Paris ee caasimada wadanka France ayaa waxaa kasoo qeyb galay jilayaal badan waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa guuleystayaashii ugu muhiimsanaa. Jilaaga ugu fiican waxaa ku guuleystay Taner Olmaz asigoona ku qaatay qaab jiliinkii cajiibka ahaa ee uu kusoo bandhigay taxana Mucize Doctor.

Atariishada ugu wanaagsan atariishooyinka Tiyaatarka waxaa qaadatay Serinaye Sarikaye. Atooraha ugu wanaagsan dhanka tiyaatarka waxaa ku guuleystay Engin Hepileri Atooraha ugu wanaagsan dhanka Comedyga waxaa qaatay Çağlar Ertuğrul asoona ku qaatay taxanaha Afalik Ask.

Atariishada ugu wanaagsan Comedyga waxaa qaadatay Burcu Özberk waxayna ku qaadatay taxanaha Afalik Ask, Atariishada ugu fiican dhanka Cinemada waxaa qaadatay Deniz Baysal Atooraha ugu fiican dhanka Cinemada waxaa qaatay Aras Bulut İynemli. Atoore caawiyaha ugu fiican waxaa qaatay Ozan Akbaba. Atooraha ugu fiican dhanka Internetka waxaa qaatay Cagatay Ulusoy.

Atariishada ugu fiican dhanka Internetka waxaa ku guuleysatay Ayça Ayşin Turan. Taxanihii ugu fiicnaa waxaa qaatay Cukur. Filimkii ugu fiicnaa waxaa qaatay Miracle in Cell No.7 Taxanihii ugu fiicnaa ee Comedy waxaa qaatay Afalik Ask.

Waxaa xusid mudan in jilaaga Aras Bulut uu sanad aan la iloowi karin u ahaa waayo wuxuu ku guuleystay jilaaga ugu wanaagsan Cinemda sidoo kalana taxanaha Cukur oo uu asiga Hogaamiyaha kayahay wuxuu qaatay taxanihii ugu wanaagsana halka filimka Miracle in Cell No.7 oo uu isla asiga wado qaatay filimkii ugu wanaagsanaa.

Waan ka xunahay taxanaha Hercai wax abaal marin ma uusna helin waana inuu iska sugtaa abaal marinta weyn ee Pantene taasoo la bixin doono 28da bisha 2aad ee sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here