Guuleystayaasha baalmarinta Oscar qeybta Turkiga oo lasoo saaray Burak Ozcivit iyo Hercai oo bilado helay.

0
1226

Dowlada Turkiga ayaa sanad kasta abaal marino bixiso ayadoona abaal mariso jilayaasha iyo wariyaasha barnaamijyada xiisaha leh tabiya, waxaana abaal marintaan shakhsiyaadkii ku guuleysti gudoonsiiyo Madaxweynaha turkiga recep Tayyip erdogan.

Jilaaga Burak Ozcivit ahna hogaamiyaha taxanaha Kurulus Osman ayaa doorkiisa Osman Ghazi ku muteystay bilada jilaaga ugu wanaagsan sanadka asigoona abaal marintaas ka gudoomi doono madaxweynaha Turkiga.

Taxanaha Hercai oo si aan caadi aheyn ku bilowday sidoo kalana siweyn loosoo wada dhaweeyay ayaa loo doortay taxanihii ugu wanaagsanaa sanadkaan.

Sidoo kale jilaaga caanka ah ee Kenan Imiezalioglu haatana daadihiya barnaamijka caanka ah ee Yaa ku guuleysanaya Hal Malyan ayaa loo doortay tabiyaha ugu wanaagsanaa sanadkaan.

Dhamaantood iyo guuleystayaal kalaba waxay abaal marintooda ka gudoomi doonaan Madaxweynaha Turkiga ayadoona munaasabad gaar ah loo qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here