Guurka Salman Khan: Muuqaal Kamid Ah Race 3 Ayaa Kuu Shaacinaya Gabadha Nooca Uu Salman Doonayo Inuu Guursado!!

Race 3 hadal heyn xoogan ayuu abuuray kadib markii la daawaday goos gooska mashruucan isagoo marki horeba hadal heyntiisa sareysay.

Guusha Race 3 awooda Salman Khan ee Box-officeka sare aye usii qaadi doonta waxaana muuqata 10-kaan sano 2010-2019 inuu ku dhameesanayo hogaaminta Bollywoodka.

Hadaba Salman Khan oo sanadkaan 53 sano jirsanaayo ayaa wali guursanin waana doobka ugu weyn hindiya isagoo xiriiro lasoo sameyay gabdho fara badan oo qaarkod atirishooyinka Bollywoodka ay kamid yihiin.

Warark waxay sheegayan arin xiiso leh oo waxaa laga soo xigta dad ka akdhow jilaagan kuwaaso saxaafada soo gaarsiyeen hadalkaan ,”Race 3 muuqaal kamid ah waxuu qof walba ku ogaan doona gabadha nooca uu Salman Khan doonayo inuu guursado mustaqbalna la wadaago.”

Dabcan waa arin kale oo xiiso usii yeeli doonto mashruucan daawashadiisa maadama dadka Salman taageran iyo kuwa aan taagerinba ka war dooni doona gabadha noocaas ah inee ogaadan taaso Salman jecelyahay inuu guursado.