Guusha Padmaavat awgeed Shahid Kapoor filimkiisa xiga lacago badan ayaa lagu doonayaa

Shahid Kapoor ayaa siweyn kaga faa’iiday in filimka Padmaavat uu darajada 200 Crore gaaray wuxuuna u baahnaa filim Big Hit ah si uu awoodiisa usoo ceshto.

Haatan waxaa la sheegay in Shasha sare u qaaday qiimahiisa suuqa asigoo filimada hada kadib lacago qaali ah sameyntooda ku qaadan doono.

Sidoo kale Shahid Kapoor filimkiisa Batti Gul Meter Chalu haatan waxaa la sheegay in kooxaha cajaladaha qeybiyaan lacago badan ku doonayaan inay ku iibsadaan.

Prernaa Arora oo filimka Batti Gul Meter Chalu oo saare ka ah waxay tiri “Tan iyo markii Padmaavat uu Big Hit noqday sidoo kalena Shahid Kapoor amaan badan ku helay waxaa nala soo xariirayaan kuwa cajaladaha qeybiyaan oo diyaar u ah filimkeeda inay lacago qaali ah nooga iibsadaan”

“Waan ku faraxsanahay aqoonsiga guud ee uu Shahid Kapoor helay waxaana cajiib ah markii hore Batti Gul Meter Chalu uu ahaa filim iska yar laakiin haatan sida filim loo wada xiiseenayo iibsashada xuquuqdiisa”

Filimka Batti Gul Meter Chalu waxaa Shahid Kapoor la jileyso Shraddha Kapoor halka Shree Narayan Singh oo horey u sameeyay filimka Toilet Ek Prem Katha Director ka yahay waxaana mashruucaan la daawan doonaa 31 August 2018.