Kangana Ranaut iyo walaasheed Rangoli Ranaut waxay ku caan baxeen inay marwalbo weerar ku qaadaan dadka iyaga ka hor imaadaan ama aragti ahaan kala duwan yihiin waana labo shartooda wataan oo aan marnaba laga nabad galeyn haddii baabkooda lasoo galo markaana Rani Mukerji ayaa xeen daabkooda soo gashay.

Waxaan horey idin kula wadaagnay in Kangana Ranaut filimkeeda weyn Thailavi la daawan doono 26 June 2020 sidoo kalena luqadaha Hindi, Tamil & Telugu lagu daawan doono waxaana looga hadlaa nolosha gabadhii siyaasada iyo fanka Tamil maqaam ka sare ka gaartay Jalayathi oo geeriyootay.

Balse haatan Rani Mukerji, Saif Ali Khan, Siddhant Chaturvedi iyo Sharvari filimkooda Baunty Aur Babli 2 ayaa shaaca laga qaaday in isla 26-ka June la daawan doono waana qaybtii labaad filimkii Baunt Aur Babli sanadii 2005 Rani iyo Abhishek Bachchan wada jileen ee Super Hit-ka weyn noqday.

Kangana iyo walaasheed Rangoli waxay og yihiin in Rani sheekadan ka dambeyso madaama shirkada Yash Raj Films ninka madaxda u ah Aditya Chopra u dhaxdo Rani sidaa darteed go’aanka 26-ka June loogu dooray filimka Baunty Aur Babli 2 iyadoo Kangana filimkeeda Thailavi waqtigan horey u doortay waa mid Rani wax ka ogtahay ama wax ka qorsheesay.

Sidaa darteed warbaahinta Hindiya waxay sadaalinayaan in Kangana iyo walaasheed dagaal ku bilaabi doonaan shirkada Yash Raj Films oo ay qayb ka tahay Rani Mukerji waana arin xiiso badan oo la wada sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here