Inaba caadi ma ahan dhacdooyinka xalqada 38-aad taxanaha Hercai oo xalay la daawaday waxyaabo cusub ayaana xalqadaan lagu arkay sido kalena qeybaha dambe waa xiiso gaar ah fadlan hoos kaga bogo dhacdooyinka xalqadan:

Cadowga seddexaad ayaa Reyyan oo suuxsan soo qaadaayo misane keenaayo gurigii gaarka ahaa ee Miiran iyo Reyyan ku noolaayen waxuuna wacaa Miiran si uu xaaskiisa Reyyan ugu imaado meeshana kaga wato.

Miiran iyo Hazar ayaa Reyyan la kulmayaan waxay la heshiinee Miiran kaliya halka aabahed Hazar ka diideyso inee saamaxdo dhanka kale Yaareen waxay diide ine cafis ka dalbato adeerked Hazar sidaa aawged aabahed Jihaan aqalka ayuu ka eryi doonaa Harun ayaana xaaskiisa wadanaayo.

Reyyan Miiran ayee ka codsane inuu aargoosigan gabi ahaan joojiyo intuu soo wado ayuu Caziiza ukeena misane horteeda ka sheega in gabi ahaan uu joojiyay aargoosigan midaaso Caziiza ka careysiin doonto. Jihaan waxuu baaritaan ku bilaaway Caziiza Aslanbey qofka ay tahay asal ahaan waxuuna ogaaday in ay jirto haweeyney ay qaraabo yihiin waxaana u sheegeyso Suldana dhanka kale Reyyan iyo aabahed wey heshiinayaan waxayna usheege in Miiran aargoosigii joojiyay qoyskeeda reer Shadalogu ayeena dib ugu soo noqonee.

Caziiza ayaa hubkeeda soo qaadaneyso waxayna imaane qabriga Dilshaah iyo Maxamed Aslanbey ayadoo wacad ku mareyso inee dili doonto Hazar Shadalogu xili qabriga Dilshaah ay bur burineyso, Elif qol ayee isku xirtay inee qof la kulantana wey diiday iyadoo go’aan ku gaareyso inee is disho maadama jaceylkii Azaad ay heli weysay sidaa aawged way baxee meel biyo qabow ah ayee dhex galee ayadoo labidka aroodka xiran.

Caziiza ayaa weerar kusoo qaadeyso qasriga reer Shadalogu waxayna madaxa hub ka saare Azaad iyadoo ku hanjabeyso in Azaad dili doonto hadii aan loo soo gacan galin Hazar Shadalogu xili Haandaan ay foolaneyso.

Miiraan iyo Reyyan meesha ayee imaanayaan waxayna Caziiza usheege Miiran maanta ineysan hadal ka maqleenin isagana uu Reer Shadalogu uu la jiro waxayna dhahee adiga reer Shadalogu ayaa iiga hiilisay warkaada iga jooji.

Police-ka ayaa goobta imaanayan ayagoo qoyska ogeysiinayaan in gabadhooda Elif ay kudhaqaaqday fal ay isku disho waxayna sheegen inee biyo qabow dhex gashay ayna is dishay arinkaas waxaa ka naxayaan dadkii oodhan di gaar ah Caziiza, Azaad iyo Miiran.

Dhanka kale Haandaan kor ayee ku foolaneysay waxay dhalee ilmo Meyd ah iyadana wey suuxee lamana oga inee dhimatay iyo inkale qalaas xalqada halkaas ayee kudhamaane gabi ahaanteeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here