Preity Zinta oo dadka Soomaalida ah u yaqaanaan atiriishadii cama-tushka laheed waxay leedahay hab dhaqan cajiib ah oo gabdho badan iyo shaqsiyaad kaleba ka heleen soona dhaweyeen.

Preity adduunka ayee ugu necebtahay musqul nadaafad ysr inee isticmaasho ama gasho suuliga ay Preity isticmaaleyso waxay jeceshahay in nadiif uu ahaado si kale kuma galeyso xaajo kasto oo jirto.

Shaqaalaheeda guriga Preity si weyn ayee kala hadashaa dhanka suuliga oo waxay dhahdaa inaan iska dhex arko ayaa rabaa suuliga dhalaal iyo nadaafad aawged waana dabeecad ugaar ah xidigtaan Bollywoodkana dheertahay.

Hadii ay Filim duubeyso ama safar aado Hotel-ka ay dageyso sheeyga ugu horeeyo ay ka qiimeyso waa nadaafada hadii Hotelkaas nadaafada suuliga ku yartahay Hotel kale ayee ka raadsataa waa sheeyga kowaad ay ka hubiso.

Insaanka iskumid ma ahan oo waxaa jiraan dad qaar suuli iska dhexdhexaad ah xitaa sidaas kuqaataan balse Preity dhankaas kama kaftanto akhriste adiga ahaan dabeecada Preity oo kale ma leedahay dhanka suuliga.?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here