Priyanka Chopra saxaafada India waxay ugu yeeraan magaca ah sido kale xidigtaan waxay leedahay naaneesyo kala duwan sida PeeCee, Desi Girl iyo kuwa kale balse naaneesteeda daafaha caalamka ugu caansan waa Piggy Chops.

Balse mala socotaa Akhriste shaqsiga naaneestan Priyanka u bixiyay cid kale ma ahan waa atooraha Abhishek Bachchan mudo 14 sano laga joogo ayuuna magacan u bixiyay hadaba aan idin xasuusino Filimka uu ugu bixiyay magacaan.

Sanadkii 2005 Abhishek Bachchan iyo Priyanka Chopra waxay isla sameyeen mashruucii guuldarestay ganacsi ahaan ee Bluff Master intii ay jilayaan filimkaan ayuu si lama filaan ah ugu yeera magaca Piggy Chops kooxda filimkana magacaas ayee kusocodsiyeen duubista wixii markaas ka dambeyay taageerayaasheeda Piggy Chops ayee dhihi jireen.

Priyanka waxay Bollywoodka ka maqneed mudo dheer oo ay ku mashquushay Hollywood iyo nolosheeda gaarka ah balse hada waxay la timid filimka The Sky Is Pink oo ay la sameyeen Farhan Akhtar iyo Zaira Wasim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here