Hadaad mooday in guurka atariishooyinka uu shaqadooda soo gabo gabeeyo hadaba waxaan idiin heynaa atariishooyinka iyagoo xaas ah shaqadaan bilaabay.

0
824

In badan oo naga mid ah waxay u maleeyaan in howlaha shaqo ee atariishooyinka soo gabo gaboobaan markii ay guursadaan kadib balse taasi sax ma ahan waayo waxaaba jiraan atariishooyin ayagoo xaaslayaal ah fanka kusoo biiray.

Iskaba daa atariishooyinka la qabo misna shaqeysto haatan sida Kareena Priyanka Deepika Aishwarya iyo kuwa kale oo badan balse waxaaba jiraan atariishooyinka fanka iyo jiliinka fagtii hore bilaabay ayagoo xaaslayaal ah hadaba halkaan hoose kaga bogo;

1-Mallika Sherawat;

Image result for mallika sherawat

Waa atariisho sidoo kalana gabar Model ah magaceeda saxda ah waa Reena Lamba balse magaca Mallika ayay ku caanbaxday.

Atariishadaan ayaa kahor inta aysan fanka soo galin guursatay nin Beyloot ah oo lagu magacaabo Karan Singh Gill balse markii dambe wey iska furtay sidoo kalana magacii Reena Lamba ayay iska badashay ayadoo isku magacowday Mallika Sherawat.

Mallika ayaa filimkeedii ugu horeeyay wuxuu ahaa filimka Jeena Sirf Mer Liye hase yeeshee waxay kusoo caanbaxday sidoo kalana magacii ay raadineysay ku heshay filimka Murder ayadoo wixii markaas ka dambeysay atariisho laga daba dhacay noqotay.

Mallika ayaa caan ku aheyd in filimada ay ku jirto waxba u reeban sidoo kalana muuqaalo dareen xad-dhaaf kusoo bandhigto taasoona sababtay in dhalinta baadigoobkeeda ku waashaan.

2-Vidya Malvade;

Atariishadaan waxay baratay kuliyada sharciga kadibna waxay noqotay shaqaale diyaaradeed yacni gabdhaha diyaarada ka khidmeeyo ee rakaabka iyo duuliyaha u adeego mudo kadibna waxay guursatay duuliyaha la yiraahdo Arvind Singh Bagga balse wuxuu dhintay ninkeeda sanadkii 2000.

Vidya Malvade kahor inta uusan ninkeeda dhiman 3 sano kahor yacni 1997dii waxay kasoo muuqatay filimkeedii ugu horeeyay ee Bollywoodka kaasoo ahaa filimka Inteha waxaana filimkaan soo saare ka ahaa soo saaraha caanka ah ee Vikram Bhatt.

Filimkaas kadib waxay atariishadaan kasoo muuqatay filimo badan balse waxaa ugu caansan guusha ugu weyneydna u gaaray filimka Chak De Inida kaasoo uu Shahrukh Khan hogaamiye kayahay.

La soco qeybta labaad oo xiiso leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here