Hadaad rabto taxane iskuuleey dhib iyo fowdo sidoo kalana jaceyl kibir badan ka buuxo leh kaliya taxanahaan daawo.

0
1346

Taxanaha Turkiga sidoo kalana soo baxay sanadkii 2015tii kaasoo lagu magacaabo Güneşin Kızları (gabdhihii Gunesin) waa taxane cajiib ah sidoo kalana dadweyne fara badan aad uga heleen waxaana taxanahaan kusoo caan baxeen Hande Ercel iyo Burco Ozberk oo maanta ah labo atariisho waaweyn.

Taxanahaan oo socday mudadii u dhaxeysay June 2015tii ilaa Maarso 2016dii ayaana waxa uu ka hadlayaa hooyo lagu magacaabo Gunesin taasoo dhaleyso 3 gabdhood misna aabo la’aan korineyso ayadoona faqiir ah.

Hooyadaan ayaa waxaa jeclaan doono nin taajir ah kadibna magaalada ayuu rarayaa guri filo weyna wuu dajin doonaa.

Sadaxda gabdhood ay dhashay mida ugu weyn waa Burco waana gabar caqli badan nimankana aad u neceb balse waxay jaceyl u qaadee wiil lagu magacaabo Savash (Birk Atan) oona ah atooraha Taxanaha.

Hande Ercel oo taxanahaan ku mataleyso Selin ayaana waxay jeclaan doontaa ayadana atooraha labaad ee Tolga Sartitas waxaana Tolga dhalay Hande hooyadeed ninka qabo.

Selin (Hande) uma caqlu badna sida walaasheed kaweyn ee Nazli (Burco) waxa kaliya ee ay jeceshahay ayaa wuxuu yahay lacagta iyo dhaldhalaalka magaalada.

Taxanaha waa mid aad u xiiso badan waxaana marar badan is wajihi doonaan dhalinyaro reer magaal taajiriina ah iyo gabdhahaan magaalka ku cusub ee fuqarada.

Burco oo taxanahaan ku mataleyso magaca Nazli wa geesiyad caqli badan meelna saareyso taajiriinta kibirsan, balse sidoo kale waxaa aad u xiiso badan jaceyl dhexmari soono Selin (Hande) iyo Tolgan (Ali) maadaama waalidkooda is qabaan.

Hadaba akhristow adiga wali ma daawatay taxanahaan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here