Sanadka markuu ahaa 2003 Salman Kha iyo Aishwarya Rai si rasmi ah ayee ukala tageen kala tagoodana siyaabo kala gadisan ayaa loo sheegay waxaana ugu dhow xaqiiqda wareysiga Aishwarya bixisay ee ay kaga hadashay dhibka badan dhanka Salman kala kulantay.

Gurigeeda ayuu rabshado kakiciya, goob ay filim ku duubeysay ayuu buuq kadhaliyay sida filimka Chalte Chalte oo markii dambe Aish laga saaray ugu dambeyn wey kala tageen lamaanahan.

Isla sanadkaan waxaa dhacday in haweeney xaas ah oo Hinduu ah inee warqad usoo dirtay Salman Khan waliba taageero weyn ayee u ahed xidigaan balse waxay ka xumaatay hab dhaqankiisa iyo sida uu ula dhaqmay Aishwarya Rai.

Oraahdii warqadaas ku qorneed waxaa kamid ahaa,”Mudane Salman waxaad kamid ahed shaqsiyaadka aan ugu jeclaa shirkadaan iyo taageerahaada qaaska ah balse maanta kadib waan kaala laabtay taageeronimada iyo xushmada kuuhayey waan ka xumaaday hab dhaqanka khalafsan ee aad Aishwary kula kacday mana tihid qof waxaas laga filan karay.”

“Sidee ayaad ku rabtaa inaa mustaqbalka dhow xaasle ku noqoto, waa kuma odayga gabadhiisa kugu darsanaayo hadee dabeecad sidan kaa noqoto aniga ahaan xaas ayaan ahay hadii aan garoob ahaan lahaa kuma guursadeen iskadaa anoo bikro ama gabar ah.”

16 sano kahor ayaa warqadaan loo diray Salman Khan ilaa hadana kama uusan jawaabin xitaa waligiis kama hadlin Megastar-kaan waa doobka ugu weyn Bollywoodka uguna hadal heynta badan xili walba shirkadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here