Atiriishada caanka ah Janhvi Kapoor ayaa ka dhawaajisay ine aad ugu faraxdo aadna ugu qososho markee hor taagantahay kaamerada horteeda mana jirto sheey farxad galin kara Janhvi sida kaamerada u farxad galiso oo kale.

Xidigtaan ayaa isku diyaarineyso inee ka howl gasho Filimkeeda Takht ee Karan Johar qarash gareyee iyo Director-ba ka yahay waxaana la jilayaan Ranver Singh, Kareena Kapoor iyo kuwa kale oo badan.

Janhvi oo inta badan caan ku ah inee magaalka dhex mushaaxdo ayaa fursad siisay saxaafada oo mudo daba socdeen si suaalo dhowr ah u weydiyaan waxaana xidigtaan la weydiyay hadee xanaaqdo waxa farxad galin kara ee xanaaqaas ka baabi’in karo.

Waxay tiri iyadoo ka jawaabeyso,”Hadaan xanaaqo ama caroodo xitaa hadaan murugooda waxaan ku qoslaa ama i farxad galin kara waa in kaamero la ihor keena ha noqoto kaamerada shaqada ee jiliinka ama mid sawiro ka iiga qaadayaba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here