Inaba caadi ma ahan heeska cusub ee filimka Housefull 4 laga soo bandhigay waxaana lagu magacaabaa Chammo waana heeska ugu soo jiidashada badan ee filimkan weyn ku jirto daawashadiisana maalmo kooban naga xigto.

Housefull 4 Jimcadan ayaa tiyaatarada la saarayaa waxaana daawadashadiisa ka harsan sedex maalmood oo qura sidaa darteed heeska Chammo cirka ayay galesiy hadal heynta taxanahan hirgalay oo feestada Diwali lagu kalsoon yahay wacdaro lixaad leh inuu ka dhigo doono madaama uu heesto fursad wacan.

Akshay Kumar waxaa ku wehliyaan heeskan Riteish, Bobby, Kriti Sanon, Pooja Hegde and Kriti Kharbanda waxaana ku luqeenayo fanaanka caanka ah Sukhwinder Singh waxaana ku wehliyaan Shadab Faridi iyo Shreya Ghosal waana hees kala kacsan oo siweyn loo amaanayo.

Fadlan hoos ka daawo heeska Chammo adigaaba ka heli doontid qaabka loo agaasimay iyo habka wacan ee fanaaniinta ugu luqeenayaan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here