Waxaan wada ognahay labada dhalinta yar Sara Ali Khan iyo Kartik Aaryan siweyn in la isugu xanto sidoo kalena waxay isla sameeyeen filimkii jaceylka ahaa Love Aaj Kal ee 14-kii Febraayo sanadkan 2020 la daawaday inkastoo mashruucan ganacsi ahaan fashilmay haddane bandhiga iyo is fahanka shaashada Sara iyo Kartik ka muujiyeen ayaa laga wada helay.

Balse Sara Ali Khan haatan diirada meel kale ayaa u saaran waana Varun Dhawan oo ay isla jileen filimka Coole No. 1 kaasi oo aan weli masraxa la saaran daawashadiisana dib u dhac ku timid madaama Hindiya xaalad bandow ah gashay haddii xaalka caadi ahaan lahaa filimkan 1-dii bishan May ayaa tiyaatarada la saari lahaa.

Madaama haatan bandow lagu jiro Sara Ali Khan waxay ka dhawaajisay in Varun Dhawan uu yahay atooraha ugu wanaagsanaa oo ay shaashada kala soo muuqato aadna ugu raaxeesatay la shaqeyntiisa sidoo kalena ay jeclaan laheyd mustaqbalka dhow markale filim mada daalo badan sida Coolie No. 1 oo kale isla sameeyaan.

Sara waxay tiri “Varun waan ka helay waa atoore dhameestiran oo aan wax badan ka bartay waana midka ugu wanaagsan ee aan filim la sameeyo run ahaantii xiiso ayaan u qabaa markale inaan la shaqeeyo waayo Varun waa qof kaftan badan oo aan agtiisa marnaba lagu caajiseen.”

Haddaba sheekadan warbaahinta Hindiya ayaa dhinac kale u dhigtay waxayna meesha kusoo dareen Kartik Aaryan oo aan mowduuca ku jirin waxayna dhaheen “Kartik ma dhibsan doonaa haddalada Sara kasoo yeereen?” Sababta sidaas loo leeyahay waxay tahay Kartik markii uu filimadiisii Luka Chhupi iyo Pati Patni Aur Woh sanadkii hore xayeysiin u sameenayay wuxuu meel fagaaro ah ka amaani jiray saaxiibtiis Sara oo aan filimadaas la sameynin.

Balse Sara midaas ma aysan sameynin oo saaxiibkeed Kartik Aaryan wey iska hilmaantay waxayna amaan xad dhaaf ugu qubeesay Varun Dhawan oo ay Coolie No. 1 isla jileen waxayna warbaahinta leeyihiin sida Kartik saaxiibtiis afka ugu haayo marwalbo iyadana uguma heyso!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here