Megastar Salman Khan maantadan la joogo waa kan Bollywood-ka ugu awooda badan sidoo kalena fanka Hindiya maqaamkii ugu sareeyay ka gaaray, wuxuuna leeyahay taageerayaal aad u fara badan oo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ku kala nool. Balse gabadha qoraaga ah ee lagu magacaabo Sankujt Nandy ayaa buugeeda ‘Khantastic – The Untold Story of Bollywood’s Trio’ shaaca kaga qaaday arin Salman u gaar ah oo naga qarsaneyd.

Sida aan wada ognahay Salman Khan wuxuu dhashay 27 Dec 1965 wuxuuna ku dhashay deegaanka Indhore ee gobolka Madhya Pradesh ka tirsan. Markii u yaraa waxaan lagu gaari jirin wadista baaskiilka asigoo aad looga dambeeyay kadibna qoyskiisa Mumbai ayay usoo guureen waana halka uu wax ku bartay sidoo kalena fanka kasoo galay.

Gabadha qoraaga ah Sanjukt Nandy waxay banaanka soo dhigtay arin xiiso badan oo ku aadan waagii Salman Khan caruurta ahaa wax uu sameeyay waxayna sheekadan dhacday habeen feestada Diwali loo dabaal dagayay waxay u baahdeen Salman iyo walaalihiisa la dhasheen iyo kuwo la ilmo adeero ah warqado ay shidaan si ay dab kaga dhaliyaan uguna dabaal dagaan feestada Diwali.

Salman Khan ayaa keenay qorsho warqado kusoo helayaan wuxuuna gudaha galay gurigoodii gaar ahaan qolka aabihiis Salim Khan oo ahaa xiligaas qoraa sheekooyinka aflaanta Bollywood-ka qoro wuxuuna Salman soo qaaday warqado kadibna isaga iyo walaalihiis warqadihii ayay gubeen, balse Salman iyo caruurta kale maba aysan ogeyn warqadihii ay gubeen inay ahayd lacagtii mushaar ahaan aabihiis Salim Khan loo soo siiyay oo ahayd 750 Rupees oo xiligaas qiimo adag laheyd.

Salim Khan markii uu ogaaday ilimihiisa waxa ay sameeyeen in mushaarkiisii idil ay gubeen ma uusan garaacin Salman iyo caruurta kale balse wuxuu u sheegay qiimaha lacagta leedahay iyo inay noloshooda muhiim u tahay raashiin ugu soo iibiyo iyo wax walbo reerka u baahan yihiin.

Sidaa darteed Salman Khan caruurnimadiisii arin lala yaabay ayuu sameeyay marba haddii mushaarkii aabihiis oo 750 Rupees ahaa gubay balse ogaal ma uusan u laheyn qiimaha lacagta ay laheyd ama warqadahaas inay lacago ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here