nolosha waa la yaab miiran waxad arkaysaa waxyaabo aadan rumeysan karin waana mid soomaalida ay ku maah-maahday nin aduunyo joogo maxaa aragti ku laaban

waxaana maanta ku hayaa qodob xasaasi ah waxaana hadda ka hor dhacday xilli uu guur-sanayay aktarka Saif ali khan waxa uuna guursanaaayay atariishada Amrita singh 1991 isagoo Saif xiligaas uu jiray kaliya 21 sano waxa uuna Amrita singh ka yaraa 12 sano

laakiin wax walba waa calaf iyadoo arooska lagu marti-qaaday shaqsiyaad caan ah iyo aktarada xiligaas ugu waa weynayd waxaana martida lagu casuumay xaflada arooska ka mid ahayd atariishada Karishma Kapoor waxaana la socotay atariishada Kareena kapoor oo xiligaas jirtay kaliya 11 sano

iyadoo wararka ay sheegayaan in Kareena ay u aaday Saif ali khan iyo Amrita singh si gaar ahna Saif ali khan ku tiri hambalyo adeer isagana waxa uu ugu jawaabay mahadsanid gabadheeda maxaa dhacay 27 sano

ka dib kareena ayaa noqotay xaaska Saif ali khan iyadoo labadan is-guursadayn Saif ali khan iyo Kareena kapoor sanadkii 2012  iyadoo saif uu guursaday markii labaad waxaana hadda ay haystaan wiil lagu magacaabo Taimur



2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here