Hadda Waa Sidee Xaalkooda Aktarada Filimka Lagaan Kaaso Bilow Amir Khan Ilaa Iyo Garcy Singu

Lagaan ma ahan filim caadi ah waa fariin Hindiya waji kale u yeeshay looguna aqoonsaday Hindiya inay sameyn karaan aflaan tayo wanaagsan oo waaqici ah bulshadana saameyn ku yeelan karto.

waxaana la daawaday 15-kii June 2001 waana filimka Classic noqday ee Mr. Perfectionist Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa

lagaan waa  filim ka  hadlaayo  fariin  waaqici ah  ee  Cricket-ka  ku  saabsan  waxaana wada jilaan oo hogaamiyaal ka  ahaayeen  Aamir Khan,  Gracy Singh  iyo  jiaalayaal  badan.

Rakesh Vivek – Guran

rajesh waxa ka dib lagaan u sameeyay dhawr aflaamood laakiin waxa uu geeriyooday 14 January 2016 ka dib markii uu wadnaha istaagay

Paul blackthorne – captain andrew russel

paul waa aktar reer british ah isagoo ahaa abaan-dulihii ciidanka ingiriiska isagoo hadda ka shaqeeyo hay’adaha sama-falka

Gracy Singh – Gauri

gracy singh doorkeeda filimkaas waxa uu ahaa gauri taaso jeclayd aktarka amir khan sidoo kale waxa lagu arkay dhawr aflaamood oo kale sida gangajal munna bhai mbbs ka dib markii ay ku guul-daraysatay aflaamteeda xigay waxa ay ku biirtay dhinaca sameynta musalsalada ka baxa Tv-Yada

Yashpal Sharma – Lakha

Yashpal door fiica ayuu ku lahaa filimkaas weliba doorkiisa lakha waa mid aan la hilaami karin isagoo waxa weli baaqi ku hayay aflaamta bollywoodka filimkiisa ugu dambeeyay ee uu sameeyay waa filimka tubelight kaaso la daawaday sanadkii hore waxaana hogaamiye ka ah aktarka salman khan

Akhilendra mishra – arjan

akhilendra doorkiisa filimkaas waxaa loogu yeeraayay arjan isagoo waayahan dambe lagu arkaa musalsalada ka baxa Tv-Yada filimkiisa ugu dambeeyay ee kasoo muuqdo waxa uu ahaa filimka kaabil kaaso la daawaday sanadkii 2017 waxaana hogaaminaayay aktarka hrithik roshan

Aditya lakhia – kachra

aditya ka hor filimkan lagaan waxa uu amir khan kala soo shaqeeyay filimka jo jeeta woh sikandar aditya ka dib filimkan waxa uu qayb ka noqday dhawr aflaamood oo kale sida ramji london wale (2005) shootout at lokhandwala (2007) humraaz (2002) mission Istanbul  (2008) iyo aflaamo kale oo badan hadda waxa uu qayb ka noqday musasalada ka baxa Tv-Yada

Pradeep rawat – Deva

pardeep waa aktar caan ah oo u dhaxeeya shirkadaha kala duwan ee india waxaana si weyn looga xasuusta Doorkiisa Filimka Ghajini

Amin gaji – tipu

amin waxaa uu qayb ka ahaa aktarada filimka lagaan amin ka dib filimka lagaan waxa uu kasoo muuqday dhawr aflaamo kale sida hungama  (2003) tauba tauba (2005) iyo aflaamo kale oo badan

Raghubir Yadav – Bhura

raghubir waa aktarka kaliya ee haysta abaal-marinta best actor international films  festival of India isagoo lagu xasuusto dhawr aflaamood oo kale sida salaam bombay (1988) hadda waxa uu ku dambeeya dhinaca iyo Tv-yada

Rachel shelley – Elizabeth Russell

rachel waa mid saameyn ku lahayd filimkaan waxaana sidoo kale caan ku noqotay taxanaha lagu magacaabo Peabody oo ka baxayay Showtime waxaana guursaday director ka iyo qoraaga lagu magacaabo mathew pikhil waxa ayna u dhashay gabar sanadkii 2009

Raj zujshi – ismail

raj weli waxa uu qayb ka yahay aflaamta bollywoodka

Amir khan  – bhuvan

Amir khan si ayad ula socotaan xaaladiisa isagoo filimkiisa ugu dambeeyay uu aha filimka Thug of hindustani waxaana la wada aktarka Amithab bachachan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here