Kusoo Dhowaada barnaamijkii Turjumida heesaha Hindiga ah oo aad aalaba oga barateen shabakada Filimside waxaana inta badan idin la wadaagi jirnay maalin jimco ah waana soo celin doonaa barnaamijkaan oo jimcaha soo socda si toos ah u bilaawan doono.

Hadaba maanta oo axad ah waxaa miiska inoo saaran heeska jaceylka calaacalka ah ee ‘Naseeb’ oo uu ku luuqeyay Kumar Sanu halka Super Star Govinda uu jilay.

Waxayna heeskaan kujirtaa filimka jaceylka ah ee Naseeb kaaso uu Govinda hogaamiye ka yahay inta badan filimkaan Soomalida aadbe u jecelyihiin inkastoo ganacsi ahaan uu burburay filimkaan.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Heeska ‘Naseeb’ oo Turjuman:

Miraha Koowaad:

Shikwa nahin kisi se, kisi se gila nahin

Ma jiraan wax cabasho ah ama caay qof ii geestay oo aan qofkale oga dacwonayo.

Naseeb mein nahin tha jo humako mila nahin.

Wixii calafkeyga ah unbaa cunaa wixii aan heli waayeyna (Gabadhaa jeclaa oo aan heli waayeyna) calafkeyga ma aheen.

 Miraha Labaad:

Tu mil saka na hamako, tassali toh mil gayi, Aayi bahaar shaakh pe kali bhi khil gayi

Kuma aanan helin (Gabar yahay) balse nimco iyo lacag fara badan ayaan helay waxaana kudhexjira barwaaqo roobeysan iyo lacag aan dhamaad laheen.

Armaan tha hamako jiska woh gul khila nahin.

Laakiin ma aanan helin ubaxaas (Gabadhii aan jeclaa) taaso aan rabay (Nolosha barwaaqo kasta waan helay laakiin gabadhaa jeclaa mahelin).

Naseeb mein nahin tha jo hamako mila nahin

Sababtoo ah calafkeyga unbaa hela, gabadhas inaa helona calafkeyga ma aheen.

Miraha Sedexaad:

Yaadon ki jhilmil aati parchhaaiyon ke din

Ala maalmihii macaana iyo waqtiyadii xasuusta badnaayen (Xiligii aan waqtiga la qaadanayey ayada ee aan is jecleyn).

Katate nahin hai tanaha tanhaaiyon ke din

Iyo Maalmihii jawiga degen ee cidlada ahaa aan wada qaadanay kuma dhamaan cidlo iyo jawigii macaana (Ee kala tag iyo murug ayuu ku dhamaaday).

Hai chaahaton ka dilkash abb silsila nahin.

Qurux badana hawada raacisteda iyo hamiga dheer oo rabitaanka wato balse marwalba joogto ma ahan.

Naseeb mein nahin tha jo humako mila nahin

Ana calafkeyga ma ahen hawadaas beenta ah ee aan raacay (gabadhii aan jeclaa oo aan waayey calafkeyga ma aheen).

Hooriska Heeska:

Shikwa nahin kisi se, kisi se gila nahin

Ma jiraan wax cabasho ah ama caay qof ii geestay oo aan qofkale oga dacwonayo.

Naseeb mein nahin tha jo humako mila nahin.

Wixii calafkeyga ah unbaa cunaa wixii aan heli waayeyna (Gabadhaa jeclaa oo aan heli waayeyna) calafkeyga ma aheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here