Hadii aad tilmaamahaan leedahay hadaba Selena Gomes la xiriir waxaad tahay wiilka ay baadi goobeyso 27jirtaan Millionerka ah misna fanaanada ah.

1
3738

Fanaanada caalamiga ee Selena Gomez ayaa carabka kaga dhawaajisay tilmaamaha ay ku dooran laheyd wiilka ay jeclaan laheyd inuu nolosha la wadaago inuu ku sifoobo.

Selena Gomez oo isku diyaarineyso iney sii deyso albunkeedii ugu horeeyay mudo 5 sano kadib ayaa waxay ka qeyb qaadatay barnaamijka idaacada Capital FM kaasoo shakhsiyaadka caanka ah lagu wareysto waxaana Selena loo sheegay in barnaamijka uu horay ugu soo qeyb galay fanaanka Swalla sidoo kalana uu fariin iyada u reebay waxayna fariinta aheyd in Selena u sheegto qaabka ugu fiican ee qalbigeeda lagu gaari karo.

Selena oo su’aashaas ka jawaabeyso ayaa tiri; aniga waxaan u jan jeeraa in la iila dhaqmo sidii qof dabiici ah (aan caan aheyn) waxaana rajeynaa qofkaasi inuu yahay mid si dhab ii daneynaayo shakhsiyad ahaanteyda balse uusan daneynin magaceyga caanka ah waana arin aan aad u doorbidaayo”.

Selena oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri; “aniga waxaan jeclahay ninka runlowga misna ragga ah ee asalka ah 5ta ilbiriqsi ee ugu horeyso waana awoodaa inaan kala garto qofka sida dhabta aniga ii daneynayo waayo dareenkeyga waan ku kalsoonahay”.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here