Xiligaan la jogo Amitabh Bachchan waa Bollywoodka ninka ay ku abtirsadaan waa nin maqaa sare ka gaaray fanka hindiya dhmaan aduun weynahana aad looga sharfo.

Mararka qaar dadka waxay is dhahaan maxaa Amitabh looga dhigi waayey madaxweynaha dalka India, xaqiiqdi jagadaas wuu uqalma Big B waa nin qibrad iyo aqoon leh aadbe Bollywoodka u farxeen markee bilawgii 80kii heleen Super Star cusub kaaso dahabi ahaa.

Hadaba waxaa jirtay ninkaan manta dahabiga ah xili uu ka quustay Bollywoodka uusan magic iyo maamusna ku laheen xiligaa maadama guul darajiida ay badatay.

Amitabh fanka hindiya wuxuu kusoo biiray sanadii 1969kii asigoo kazoo muuqday filimka Saath Hindustani, laakiin wax aqoonsi ah ma helin xidigaani intaa kadib dhamaan filimadisi xigay sanadadaas wey hoobten daadka qaaday maadama ay guuldaresteen.

Intaa kadib Big B xaalka ayaa ku xumaaday madama uu wayey filimsameye soo xiririya oo filim udhiibta sida awged wuxuu goaansaday in uu gabi ahaanba macsalaameyo Bollywoodka, balse Super Star Manoj Kumar ayaa celiyay oo u sharxay in uu qeyb kasiin doono filimkiisa xiga.

Hadaba Amitabh oo shaqo la aan ah ayaa boos kahelay filim uu Manoj Kumar watay kaso ladhaho ‘Roti Kapada Aur Makaan’  inkastoo filimkaani la daawaday sanadii 1974 hadana waxaa ka horeyay filim uu si fursad ah uu hadana kuhelay kaaso ahaa Zanjeer.

Zanjeer wuxuu noqday filim weyn oo Amitabh xidig weyn ka dhigay, intaa kadib Amitabh Bachchan gadaal maba uusan dayin hor unbuu usii socday maadama uu helay magac iyo guul, balse muhiimada waxay tahay hadii uusan Manoj Kumar celin lahen xiligaa uusan taladii Manoj na qaadan lahen, xiligaa waa hubaal Bollywoodka in aysan heli laheen Jawharad Amitabh Bachchan ookale.

Xidigan inkastoo Zanjeer uu maqaa kuhelay hadana waxaa hubaal ah in uu dhiiro galin ka helay Manoj Kumar iyo waliba shaqo balse filimkii Manoj booska kasiyay Amitabh ayaa dib udhacay taaso kaliftay in uu Amitabh fursad kale helo uu Zanjeer sida kusoo horbaxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here