“Hadii arinka gacanta iigu jiri lahaa dhamaan ajaanibta saxaaraha ayaan ku daadin lahaa” sidaas waxaa tiri fanaanada….

1
1930

Faafida caabuqa Corona Virus ayaa dhibaato ba’an kuhaayo dunida maanta waxaana kala xiran inta badan dhaqdhaqaaqa aduunka haba ugu horeeyo midka ganacsiga ayadoona dowlad walba waxeeda isku koobtay.

Hadaba fanaanad u dhalatay wadanka Kuweyt laguna magacaabo Xayaat Al-Fahad ayaa hadal muran badan dhaliyay ka tiri barnaamij ka socday kanaalka Kuweyt laga leeyahay ee ATV waxayna fanaanadaan sheegtay in dadka ajaanibta ah ee wadankaas ku sugan ay mawaadiniunta culeys ba’an ku haayaan sidaas darteedna loo baahanyahay in dhamaan ajaanibta wadanka laga saaro.

“Hadii arinka gacanta iigu jiri lahaa dhamaantooda saxaaraha ayaan ku daadin lahaa waayo maciishadiu ayay nagu ciriiriyeen xitaa isbitaalo badan oo bukaanadooda la dhigi karo ma heysano waa in wadanka laga daad gureeyaa.

Hadalkaan ayaa dhaliyay hadal heyn iyo muran badan maadaama uu yahay hadal banii aadanimada ka baxsan kana buuxaan cunsurinimo iyo kala sooc.

Waxaa xusid mudan in kuweyt oo wadan baaxad ahaan aad u yar ah uu kamid yahay wadamada uu saameynta ugu xoogan ku yeeshay Corona Virus.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here