Hadii atooraha shabeel naagood yahay atariishadana nimanka la qabo ayayba xiriir la wadaagtaa yaab.

0
2114

Waxaan horay idiin kula wadaagnay in jilaaga taxanaha Kimse Bilmez haatan lagu xanto inuu xiriir laleeyahay atariishada taxanahaas ee Ozgu Kaya asigoona horay shabeel naagood usoo ahaa balse haatan Ozgu ayaa tiri meel fariiso.

Ozgu Kaya ayaa horay xiriiro badan ula soo sameysay rag badan iyada oo waliba 24 jir ah haatan waxaana la sheegaa in raga ay xiriirada lasoo sameysay qaarkood yihiin niman xaaslayaal ah.

Markii ay saxaafada turkida qortay in Kerem uu xiriir la leeyahay Ozgu Kaya ayay dad badan is weydiiyeen hadii ay mari doonto jidkii uu marsiiyay gabdhihii iyada ka horeeyay balse arinta ayaaba is gadisay oo haatan waxaa la is weydiinayaa hadii Ozgu iyada marsiin doonto Kerem jidkii ay marsiisay nimankii hore xiriirka ula soo sameesay.

Inkastoo xiriirka Ozgu Kaya iyo Kerem Cem xaqiiqo la hubo aheyn oo saxaafada kaliya wax ka qortay hadana waxaa la isweydiinayaa halka uu ku dhumaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here