Nin 62 sanno jir ah oo kasoo jeeda caasimadda labaad ee dalka England ee Birmingham City ayaaa wuxuu dhowaan qabsaday cinwaannada sarre ee wargeysyada kasoo baxa Britain.

Ninkaan oo lagu magacaabo Malcolm Applegate ayaa wuxuu muddo shan sanno ah ku noolaa keynta ka hor inta uusan magaalada kusoo laaban, isagoo haatan ka mid ah dadka aan hoyga heysan.

Malcolm Applegate ayaa wuxuu daaha ka qaaday in sababta shantii sanno ee lasoo dhaafay uu ugu noolaa keynta ay ka dambeysay xaaskiisu, maadaama uu u adkeysan waayey af-xumadeeda iyo xukunkeeda joogtada ah.

Malcolm Applegate ayaa wuxuu noloshiisa inta badan ka shaqeyn jiray beeraha, waxayna aheyd shaqo uu ku faraxsan yahay. Laakiin farxaddiisu waxay soo idlaatay 13 sanno ka ho markii uu guursaday.

Wuxuuse sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay isku wacnaayeen maalmihii bilowga guurkooda. Wixii intaas ka dambeeyey Malcolm Applegate ayaa shaqo badan ay usoo baxday, wuxuuna galay mashquul, xaaskiisa ayaana isku dayday inay cadaadiso, iyadoo u sheegeysa inay uga baahan tahay dhowr saacadood oo noloshiisa ah maalin walba.

Murankooda ayaa xadka ka baxay ka dibna Malcolm wuxuu doortay inuu ka tago gurigiisa kuna noolaado keynta shantii sanno ee lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in uusan furin xaaskiisa ama uusan u guurin guryaha asxaabtiisa maadaama uu jaceyl xad dhaaf ah u qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here