Karan Johar wax u dhiman malahan wuxuu shaqo kasoo bilaabay filim sameeye, soo saare kadib jilaa ayuu noqday haatana wuxuu isku badalay Love Guru ama Hagaha arimaha jaceylka asigoo talo siinayo dadka jaceylkooda hana qaadi waayay.

Karan Johar ayaa barnaamijkaan maqal ahaan kaga sii deyn doono Raadiyaasha Mumbai ku yaalo waxaana loo bixiyay Calling Karan wuxuuna bilaaban doonaa bisha December ee nagu soo fool leh.

Karan Johar ayaa idaacadaha soo fariisan doono kadibna talooyin kala duwan siin doono dhalinta iyo jiil kasto oo noloshiisa lamaane u baahan ama qofkii lamaanihii uu heestay ka tagay ama xiriirkooda hormar sameen waayay.

Dabcan Karan Johar hanaan cusub ayuu tijaabinayaa madaama barnaaamijkiisii Koffee With Karan ee TV-yada laga daawan jiray jilaayaasha caanka ah lagu wareesan jiray noloshooda gaarka ah laakiin markaan dadka caadiga ah ee jaceylka la il daran ayuu Karan diyaar u yahay inuu garab siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here