Maanta la joogo qoyska Raj Kapoor iyo qoyska Bhatt xiriir weyn oo wanaagsan ayaa ka dhaxeeyo waliba waxay u dhowdahay inee xidid noqdaan maadama Alia Bhatt oo reer Bhatt kasoo jeeda ay guursan rabto Ranbir Kapoor oo reer Kapoor kasoo jeeda.

Laakiin 90-maadkii labadan qoys colaad xoogan ayaa ka dhaxeysay waxaana u sabab ah xifaaltankii Karisma Kapoor iyo Pooja Bhatt ka dhaxeyn jiray labadan atiriisho naceeb weyn ayaa oa dhaxeyn jiray ilaa ay isku gacan qaadeen oo lakala jiiday si silac ahna lagu kala fujiyay sheekadana waxay udhacday sida tan.

Marka hore ayee is necbanaayen midba mida kale wey la xifaaltami jiray maalin maalmaha kamid ah ayee xaflad ku kulmeen xafladaas waxaa goob joog ahaayen Karisma hooyaded Babita iyo aabahed Randhir Kapoor kadib Pooja ayaa goobta foodo ka bilawday ileen waxay is urul ursanayeen Karisma oo hal xaflad kuwada kulmeen.

Karisma Kapoor, Alia Bhatt, Ranbir Kapoor, Pooja Bhatt

Pooja waxay aflagaadeysay Babita oo ah Karisma hooyaded iyadoo goobta keentay sheeko hore iyo qaabkii Randhir Kapoor iyo Babita isku guursadeen waana sheeko kale oo lamaanahaas bari samaadkii isla baxsadeen meel gooni ahna dageen sheekadas ayee soo faag faagtay Pooja hab aflagaado ahna wey u sheegtay.

Karisma oo lagu yaqaano madax faluuq ayaa durba u jawaabtay Pooja iyadoo aflagaado kula kacday Pooja hooyaded iyo aabahed (Mahesh Bhatt iyo xaaskiisa) waxaa xigay in Pooja kusoo boodo Karisma oo taagan sidee waalidkey u aflagaadeyn kartaa ayee ugu soo haaday.

Meeshii ayaa lagu kala fujiyay labadii atiriisho oo in cabaar ah isrifeen mudo kadib Karisma wareysi ayee ku sheegtau gardarada Pooja Bhatt waxayna tiri,” hooyadey ayee aflagaadeysa ana waan u jawaabay oo hooyaded ayaa aflagaadeyay bal maxaan qalad ku leeyahay maxayse la kar kartay ileen iyadaa bilawday caayda, mida kale aniga atiriishooyinka waxaan ka haleeyay ma ogi markii hore Manisha Koirala aye ahed, Raveena ayaa ku xigtay hadana waa Pooja.”

Dagaalkan labada qoys ayaa xaliyeen markii dambe laakiin wali xiriirka Karisma Iyo Pooja ma wanaagsana si qaas ah Karisma weyba necebtahay qoyska reer Bhatt waligeedna kama aysan hadlin xiriirka walaalked ina adeerked ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt ka dhaxeya.

Laakiin taa bedelkeed Kareena Kapoor ayaa si wacan u taageertay xiriirkan oo in badan ka hadashay waliba xili hore Bebo dumaashi ayee kadhigatay Alia Bhatt dhanka kale Karisma Kapoor reero hadal ma ahan saxaafadana badanaa lama kulanto waana sababta aysan xitaa oga hadlin xiriirada Ranbir la sameeyay atiriishooyinka Bollywoodka sida Deepika, Katrina, Sonam, Alia iyo kuwa kale.

Dhowaan la soco xiririka Karisma Kapoor iyo Ranbir Kapoor ka dhaxeya sidee isku xaal wareystaan ilmo adeero isneceb miyaa mise waa saaxiibo isku dhow sido kale lasoco maqaal kale aan kaga hadli doono sababtii kaliftay atiriishooyinkii 90-kii ine cadow kadhigteen Karisma Kapoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here